Home » Saraakiil lagula xisaabtamayo qaraxyadii Beledwayne oo Muqdisho loogu yeeray

Saraakiil lagula xisaabtamayo qaraxyadii Beledwayne oo Muqdisho loogu yeeray

by admin
0 comment

Muqdisho (Hornlife) — Saraakiisha NISA iyo Booliska gobolka Hiiraan ayaa looga yeeray magaalada Muqdisho kaddib Qaraxyadii ka dhacay Beledweyne 3-dii bishan.

Taliyaha qeybta booliska gobolka Hiiraan Kor. Isaaq Cali Cabdulle oo gaaray magaalada Muqdisho ayaa wararka sheegayaan in xabsiga loo taxaabay.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa taliyayaasha NISA iyo Booliska Hiiraan ku eedeeyay in aay gabeen doorkoodii sugidda amniga Beledweyne iyo wax ka qabashada dadkii ka dambeeyay Qaraxyadii ka dhacay Beledweyne.

Beledweyne waxa ay ka mid tahay magaalooyinka Soomaaliya ee Qaraxyada khasaaraha badan ka dhasheen ay ka dhaceen isla markaana aan weli la arag cid lagula xisaabtamo ama qaadda masu’uliyadda qaraxyadaasi.

You may also like

Leave a Comment

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved