Home » DF oo sheegtay inay howlgallo ku dileen xubno katirsan Al-Shabaab

DF oo sheegtay inay howlgallo ku dileen xubno katirsan Al-Shabaab

by admin
0 comment

Muqdisho (Horn Life) — Ciidamada Ururka 8aad Guutada 18 aad ee Kumaandooska Gorgor ee xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Maanta howgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay degaano u dhow degaanka Nuur Fanax ee Gobolka Hiiraan.

Howgalka ayaa waxaa la sheegay in Ciidamada Kumaandooska ay bartilmaamedsadeen Xubno mararka qaar lagu arki jiray tuulooyin ku dhow degaanka Nuur Fanax ee Gobolkaasi Hiiraan.

Saraakiisha Ciidanka DANAB ayaa sheegay in howlgalka ay kudileen 7 Xubnood oo katirsan Al-Shabaab, kadib dagaal kooban oo ay kula galeen aaga degaanka nuur fanax ee gobolka Hiiraan.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in ay sii wadi doonaan howlgallada bartilmaameedka ah ilaa degaannada Gobolka Hiiraan laga weeynayo Ururka Al-Shabaab.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved