Home » Malleeshiyaad Macawisley cusub oo ku biirayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Malleeshiyaad Macawisley cusub oo ku biirayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

by admin
0 comment

Ceelbarde (Horn Life) — Waxaa sii xoogeysanayo kacdoonka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxaana markaan dagaalka kusoo biiray dadka deegaanka Ceelberde ee gobolka Bakool.

Ciidamada deegaanka degmada Ceelberde ee gobolka Bakool ayaa u diyaar garoobaya ka qeyb qaadashada howgalka degaannada hoostaga degmadaas oo muddo go’donsanaa ee looga saarayo Al-Shabaab

Ciidamada deegaanka ee labaxay (caano ka dhan) waxay isugu jiraan dhallinyaro Odayaal iyo haween oo u diyaar ah ladagaallanka Uururka Al-Shabaab, waxayna wacad ku mareen in ay deegaankooda ka xoreyn doonaan Al-Shabaab.

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka degmada Ceelbarde & Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka oo fagaaro kula hadlay Ciidamada degaanka ayaa uga mahadceliyay sida ay u go’aansadeen inay la dagaallamaan Al-Shabaab.

Waxaa ay ballan qaadeen inay garab istaag u muujin doonaan Ciidamada degaanka si ay Al-Shabaab guud ahaan uga saaraan degaannada hoostaga degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool.

Kacdoonka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa ka curtay deegaano badan oo ka tirsan Soomaaliya, waxayna kooxdaan wajaheysaa culeyskii ugu weynaa oo sababi karo in laga taqalusi doono.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved