Home » Deegaanka Moqokori oo dhagax lagu dilay 2 katirsan Al-Shabaab

Deegaanka Moqokori oo dhagax lagu dilay 2 katirsan Al-Shabaab

by admin
0 comment

Moqokori (Horn Life) — Moqokori, waxaa ka billowday ugaarsiga Alshabaab, dadka deegaanka ayaa dhagax ku dhuftay 2 meyd oo A-Shabaab ka katirsan kuwaas oo deegaanka lagu arkay.

Muuqaallo Whatsapp ka lagu baahiyay ayaa muujinaya dadka ku nool Moqokori oo si aan gambasho laheyn Dhagxaan ku tuurayay 2 katirsan Alshabaab.

Wakaaladda wararka ee afka Dowladda ku hadasha ee Soonna ayaa Boggeeda Facebook ku baahiyay qoraalkan hoos ku qoran.

“Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka oo saakay weerar qorsheysan ku qaaday deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan waxeyna ku dileen laba ka tirsan Al shabaab oo lacago baad ah ka qaadayay dadka deegaankaasi.

Ciidanka xoogga ayaa weerarka kaddib soo qaaday maydadka ay dileen iyo gaarigii Noah-da ahaa oo ay lacagta ku aruurinayeen iyo sido kale hubkii ay wateen”.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved