Home » Faahfaahinta rasaas ka dhex dhacday garoonka diyaaradaha Jigjiga

Faahfaahinta rasaas ka dhex dhacday garoonka diyaaradaha Jigjiga

by admin
0 comment

Jigjiga (Horn life) — Mid ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka ee Dowlad-deegaanka Soomaalida oo lagu magacaabi jiray Juweeriya Subcis ayaa ku geeriyootay rasaas galabta ka dhex dhacday garoonka diyaaradaha Garaad Wiilwaal ee magaalada Jigjiga.

Rasaasta oo uu riday askari ka mid ah ilaalada garoonka ayaa sababtay dhaawaca shan qof oo kale.

Xildhibaanadda geeriyootay oo laga soo doortay gobolka Doolo ayaa waqti badan ka shaqeyneysay howlaha gargaarka.

Lama oga sababta rasmiga ah ee uu askarigu rasaasta u furay, hase yeeshee, dad goobjoogeyaal ah ayaa BBC-da u sheegay in ay ka dambeysay markii ay murmeen askari kale oo ay ka wada tirsan yihiin ciidanka federaalka ee ilaaliya amniga garoonka.

Dhaawacyada ayaa intooda badan ahaa rakaab ka dhoofayay garoonka.

Falkan wuxuu hakiyay howshii garoonka diyaaradaha.

Ciidanka Liyuu boolis oo goobta gaaray ayaa xiray askariga rasaasta furay.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved