Home » Gabadha Soomaalida ah ee u bareertay arrin naadir ku ah dhaqanka

Gabadha Soomaalida ah ee u bareertay arrin naadir ku ah dhaqanka

by admin
0 comment

Muqdisho (Horn Life) — Nujuum Xaashi waxay u dhabar adaygtay  oo ay ka soo gudubtay caqabado dhanka dhaqanka ahi, waxa ayna haatan noqotay qof magac iyo maamuus ku leh farshaxanka Soomaaliya, waxa ayna billowday xirfadda ay haatan ku shaqeyso oo ah farshaxanka.

Iyada oo toddobo sano jir ah oo ku nool magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayay billowday in ay dhulka wax ku sawirto.

Qoyskeedu ma uusan haysan nabadgelyo uu hal meel ku deganaado,  maadaama colaaddii sokeeye ee Soomaaliya ay mareysay meeshii ugu xumeyd-waana intii u dhaxeysay 1990-meeyadii iyo horraantii 2000.

Waxay marba u qaxayeen xaafad, basle Nujuum waxay had iyo jeer heli jirtay carro ay wax ku dul sawirto.

“Farshaxanku wuxuu had iyo jeer ii ahaa nooc ay maskaxdeydu ku xasisho,” ayay yiri Nujuum. “Intii ay socdeen dagaallo xooggan, waxaan nafteyda ku xasilin jiray sawirrada muujinaya nolol caadi ah oo nabadeed.”

Farshaxanku wuxuu sidoo kale caawin jiray maskaxdeeda xitaa xilliyada ay dagaalladu qaboobaan. “Macallimkayga Qur’aanka wuxuu ahaa nin aad u kulul, wuu na garaaci jiray oo waan ka argagaxi jiray. Inta aan gurigayaga ku sii socdo waxaan ciidda ku sawiri jiray sawirro, si aan niyadda ugu dhisto oo aan u badalo dareenkeyga.

“Waxaan qalinkeyga dugsiga u adeegsaday in aan ku sawiro magaalo dhan gidaarka qolkayga jiifka.”

Najuum waxay sawirtay, kalluumeystada Muqdisho

Nujuum weligeed ma aysan tegin dugsi lagu dhigto farshaxanka. “Aabahay waxa uu ahaa macalinkayga. Ma uusan ahayn farshaxaniiste balse wax ayuu sawiri jiray xilliyada uu firaaqada leeyahay. Waxaan ka codsaday in uu i baro qaabka wax loo sawirro. Balse wuxuu geeriyooday aniga oo aad u da’ yar.”

Hooyadeed ma aysan taageerin hammigeeda ahaa in ay noqoto farshaxamiiste. Sidoo kale taagerro kama aysan helin dariskeeda, oo waxa ayba ku dhaliilayeen in sawirradeedu ay yihiin kuwo diinta Islaamku aysan ogoleyn.

Inta badan Muslimiinta waxay aaminsan yihiin in sawirrada dadka iyo duunyaduba ay mamnuuc yihiin.

Farshaxanka Najuum ee xeebta Muqdisho

“Waxay igu khasbeen in aan joojiyo sawirradaasi, sidaa awgeed waxaan gabi ahaanba ka tanaasulay farshaxanka oo waxaan bartay kalkaalisonimo, hase yeeshee markiiba waan ka caajisay. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaan go’aansaday in aan marnaba ka tanaasulin farshaxankeyga si kasta oo ay dadku ii arkaanba.”

Hadda Nujuum waxa ay masaarif wanaagsan ka heshaa farshaxanka, waxa ayna awoodda in ay dhaqaale ahaan taageerto qoyskeeda.

Nujuum  oo 26-sano jir ah waxa ay hadda ku nooshahay magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, waxa ayna qandaraasyo ka heshaa waaxyaabaha kala geddisan ee dowladda, hay’adaha caalamiga ahi iyo shakhsiyaadka. Wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa ka codsatay in ay u soo bandhigto sawirro ay ugu ololaynayso sidii gabdho badan ay dugsiyada u geli lahaayeen.

“Gabadhani waxa ay qabanaysaaa shaqada laga sugayo iyada oo la jirta ariga qoyskeeda. Muddo dheer ayay u soo socotay dugsiga. Waxaan rabay in aan muujiyo in gabdhuhu ay wax baran karaan iyaga oo gudanaya hawlahooda guriga.”

“Waxa aaska mid ka mid ah dadkii mudaharaadyada ku dhintay ee uu ka soo qayb galay wasiir, isaga oo aan lagu casuumin. Dadkuna aad bay uga caroodeen ka soo qeybgalkiisa. Taa ayaa sababtay in gabar ay dhabarka ka laado.

“Hadda gabadhaasi waxaa loo arkaa halyey mucaarad ah!”

Nujuum Hashi oo sawirtay nin qori ku ridaya rayid

Iyadoo gobolka Geeska Afrika ay ka jirto abaartii ugu darneyd muddo afartan sano ah, ayaa dadka Soomaalida ahi waxaa soo food saartay dhibaato bini’aadannimo oo aad u weyn.

“Siyaasiyiintu waxay ka baryaan waddamada dibadda in ay lacag ugu deeqaan dadka gaajaysan,” ayay tiri. “Markaa kaddib waxay ku shubtaan jeebkooga.”

Abaarta iyo xaalufka deegaanka ka jira ayaa dhiirigeliyay in ay sameyso qaar ka mid ah sawirradeeda. Sawir-gacmeedkani waxa uu astaan ​​u yahay dhulka engagan ee daldallaacay iyo gubista dhirta qaaliga ahi ee laga sameeyo dhuxusha.

Qaar badan oo ka mid ah sawir-gacmeedyada Nujuum ayaa muujinaya dadka oo wata hawl-maalmeedkooda. “Qoyskani waa reer miyi oo waxay raadiyaha ka dhageysanayaan weriyahii caanka ah ee laanta afka Soomaaliga ee BBC-da Axmed Xasan Cawke.

“Nasiib darro hadda wuu dhintay, dadku aad bay u jeclaayeen, gaar ahaan codkiisa macaan ee cajiibka ahaa.”

“Sawirkani hoose wuxuu muujinayaa aniga oo la dagaallamayo fayraska Koroona. Aad baan u xanuunsaday oo waxaan ka baqay inaan u dhinto sida dad kale oo badan oo igu xeernaa.

“Kaddib markii aan sawiray sawirkan, dadku waxay billaabeen in ay isoo wacaan si ay ii weydiiyaan talooyin ku saabsan sida aan ugu caafimaaday.”

Waxyaabaha ay Nujuum ugu jeceshahay in ay isku madadaaliso waxa ka mid ah in ay u baxdo dhulka miyiga ahi, gaar ahaan Buuraha Sheekh ee Somaliland ee quruxda badan.

“Markan waxaan la socday saaxiibo aan garanayn sida wax loo sawiro, waxaan la wadaagay agabkeygii sawirrada, ugu dambeyntiina waxay wada sawireen sawirro sharaf lehqurux badan.

“Farshaxanku waxa uu ii sahlay in aan muujiyo dhinacyada qarsoon ee nolosha Soomaalida, oo ah mid ka fog aragtida dadka ee ah meel uu dagaal uun ay ka jiraan dagaallo, gaajo iyo cudurro.

BBC NEWS

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved