Home » Laftagareen oo soo gaaray Muqdisho + sababta

Laftagareen oo soo gaaray Muqdisho + sababta

by admin
0 comment

Muqdisho (Horn Life) — Madaxweynaha maamul Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Abdule Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan Bulshada Caasimada.

Socdaalka Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ee magaalada Muqdisho ayaa ah ka qeyb-galka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee looga hadlayo xaaladda dalka.

Sidoo kale waxaa isla maanta magaalada Muqdisho kusoo wajahan madaxda kale ee dowlad-goboleedyada si ay shirka uga qeyb galaan.

Madaxda dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad-goboleedyada ayaa todobaadkan shir deg-deg ah ku yeelanayo Muqdisho, kaasi oo looga hadlayo xaaladaha haatan soo kordhay, sida uu ogaaday Raxanreeb.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sidoo kale innoo xaqiijiyey in shirkan uu iclaamiyey madaxweyne Xasan, islamarkaana 27 bishaan oo ku beegan berri uu ka qabsoomayo Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa casuumad u fidiyey shanta hoggaamiye goboleed sida Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle oo lagu wado inay soo gaaraan Muqdisho.

Lama shaacin muddada uu qaadan doono shirkan oo ah mid xasaasi ah, isla-markaana ku soo aaday xilli haatan dalka uu ku jiro dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Wararka aaan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in shirka madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad-goboleedyada dalka lagu soo qaadi doono arrimo ay ka mid yihiin wada shaqeynta labada dhinac iyo sidoo kale xoojinta howlgallada haatan ka billowday dalka.

Xogta ayaa intaasi ku sii dareysa in madaxdu ay falanqeyn doonaan arrimaha shidaalka ee ay haatan faraha la gashay dowladda Xasan Sheekh oo dhameystirtay heshiiska shidaalka.

Sidoo kale waxaa shirkan lagu soo qaaadi doonaa gurmadka abaaraha, maadaama ay kasii darayaan xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira koonfurta iyo bartamaha dalka.

Gunaanadka shirka Madaxda Wadatashiga Qaranka ayaa la filayaa in ay si wada jir u soo saaraan warmurtiyeed kaga hadlayaan qodobadii ay ku gorfeeyeen Shirka inta uu u socda, qodobka ugu weyn uu yahay dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xafiiska ku soo laabtay 15-kii May ee sanadkan 2022 ayaa kulamo hore la yeeshay madaxda maamul goboleedyada, isagoo kala wada hadlay sii amba qaadida howlaha waa weyn ee horyaalla dowladdiisa cusub iyo sidoo kale wada shaqeynta labada dhinac.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved