Home » ilaalada safaaradda Ruushka ee Zimbabwe oo toogtay nin xiran dharka ciidanka

ilaalada safaaradda Ruushka ee Zimbabwe oo toogtay nin xiran dharka ciidanka

by admin
0 comment

 Zimbabwe (Horn Life) — Ilaalada safaaradda Ruushka ee dalka Zimbabwe, ayaa toogasho ku dhaawacay nin ku labisnaa dharka ciidamada meel ka baxsan safaaradda magaalada caasimadda ah ee Harare, habeenimadii Arbacada, sida ay booliisku sheegeen.

Afhayeenka booliiska ee Zimbabwe, Paul Nyathi, ayaa BBC-da u sheegay in ninkan oo 24 jir ah uu ka horyimid qaadashada awaamiirta ilaalada safaaradda.

Waxaa loo qaaday isbitaal u dhaw safaaradda oo uu ku xiran yahay haatan, iyadoo booliisku ay wadaan baaritaan la xiriira sababta keentay dhacdadan.

U qeybsanaha dhanka saxaafadda ee safaaradda Ruushka, Egor Kuropitnik, ayaa BBC-da u sheegay in muuqaalada ku jira kamiradaha safaaradda, ay muujinayaan in ninkani uu ilaalada si toos ah u abaaray.

Markii uu ku soo dhawaaday xayndaabka safaaradda, ayaa askari kamid ah ilaaliada safaaradda waxa uu riday rasaas digniin ah, balse ninka ayaa ku sii socday dhanka ilaalada ammaanka.

Xabad labaad ayaa lagu riday ninkii, markaa kadibna waa uu dhacay. Uma muuqan qof isku dayaya inuu jiiro xayn daabka darbiga safaaradda, ayuu yiri Kuropitnik.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved