Home » Hay’addii ugu horreysay ee kasoo jawaabtay codsigii Xasan Sheekh

Hay’addii ugu horreysay ee kasoo jawaabtay codsigii Xasan Sheekh

by Mohamed Jibril
0 comment

Muqdisho (Horn Life) — Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caafimaadka (WHO) ayaa noqotay hey’addii ugu horreysay ee kasoo jawaabto codsiga madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa in si deg deg ah gargaar caafimaad loola soo gaaro dadkii ku dhaawacmay qaraxii Zoobe 2 ee shalay ka dhacay Muqdisho.

Madaxa hay’adda Qaramada Midoobay Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay inay Soomaaliya u dirayaan gargaar caafimaad oo deg deg ah.

Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sidoo kale tacsi u diray dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoysaska ay sida gaarka ah u saameeyeen qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Madaxa WHO wuxuu shaaciyay in dowladda Soomaaliya ay ka kaalmeynayaan sidii loo daweyn lahaa dhaawacyada faraha badan, iyo hannaanka tiiraanyo bixinta dadkii ay dhibaatada xun soo gaartay.

Magaalada Muqdisho, ayaa shalay waxaa ka dhacay qaraxyo is xig xigay, kuwaasoo ay ku dhinteen in ka badan 100 qof inta la xaqiijiyay, halka saddex boqolna ay ku dhaawacmeen, waxaana jirta cabsi ah in dhimashada ay aad uga badan karto intaas.

Qaraxaan ayaa noqonaya midkii labaad ee ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Muqdisho, wuxuuna qaraxii kan khasaaraha badnaa ka dhacay isla isgoyska Zoobe shan sano ka hor 14-kii October 2017.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, waxayna sheegatay inay la beegsatay dhallinyaro la ciidameyn rabay balse sida muuqata waxaa ku dhintay dad shacab ah oo u badnaa ganacsato iyo dad isticmaalayay jidadka.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved