Home » Wasiirka Caafimaadka oo sheegay dhaawacyada qaar in dibedda loo qaadi doono

Wasiirka Caafimaadka oo sheegay dhaawacyada qaar in dibedda loo qaadi doono

by Mohamed Jibril
0 comment

Muqdisho (Horn Life) — Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan oo booqday Isbitaallada la geeyay dadkii ku dhaawacmey Qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho.

Wasiirka ayaa Maamulka iyo Dhakhaatiirta Isbitaallada Digfeer iyo Madiina oo uu ka dhageystey warbixin ku saabsan xaaladda dhaawacyada halka Maamulka Isbitaalada gaarka loo leeyahayna uu qadka Telfoonka kula xiriirey si uu uga xog wareysto xaaladda dhawacyada la gaarsiiyey xarumahooda Caafimaad.

Wasiirka ayaa dhaawacyada yaalla Isbitaallada Madiina iyo Erdogan Ex Digfeer u dul istaagay mid mid waxa uuna Maamulka iyo Dhakhaatiirta faray in ay helaan adeeg Caafimaad oo dhammeystiran si cadowga loo tuso in dadkan aysan waxba katari karin tallaabo kasto oo gurracan oo ay qaadaan.

Maamulka iyo Dhakhaatiirta Isbitaallada uu Wasiirka tagay ayaa rajo fiican ka muujiyay xaaladda Caafimaad ee dhaawacyada qaarkood inkastoo ay jiraan kiisas culus oo u baahan dibedda, waxa ayna sheegeen in ay helli doonaan baxnaano fiican iyo adeeg Caafimaad oo tayo leh.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa  dhaawacyada Alle ugu baryay in Caafimaad deg deg ah siiyo, sidoo kalena sheegey in Wasaaradda Caafimaadka ay si hoose uga warqabi doonto tallaabooyinka la xiriira baxnaanintooda.

Ugu dambeyna Dr Cali Xaaji Aadan Wasiirka Caaafimaadka Soomaaliya ayaa sheegey in Wasaaradda ay ka shaqeyn doonto dadka u baahan in ay helaan Caafimaad bannaanka ah sidii ay ku helli lahaayeen Caafimaad dibedda ah maadaama kiisas u baahan dibedda ay jiri karaan

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved