Home » Akhriso warmurtiyeedka DF iyo maamul goboleedyada dalka

Akhriso warmurtiyeedka DF iyo maamul goboleedyada dalka

by Mohamed Jibril
0 comment

Muqdisho (Horn life) — Waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya lagu soo gabagbeeyey shirkii dowladda Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada u socday.

Shirka oo qaatay waqti ka badan intii loo qorsheenayey ayaa waxaa looga hadlay qodobo badan waxaana ugu dambeyn maanta laga soo saaray war-murtiyeed ay saxiixeen dhammaan madaxdii shirka ka qeyb gashay.

Qodobada ugu muhiimsan ee shirka laga soo  saaray ayaa waxaa kamid ah sidii kooxda Al-Shabaab looga ciribtiri lahaa guud ahaan dhulka Soomaaliya iyo sidii loo fulin lahaa dhammaan heshiisyadii dhanka amniga ee horey loo kala saxiixday.

Sidoo kale war-murtiyeedka ayaa lagu bogaadiyey guulaha ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka gaareen dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab .

Golaha ayaa sidoo kale ku baaqay in gurmad deg deg ah lala gaaro dadka ay abaaraha saameeyeen ee ku nool gobolada dalka kuwaas oo halis ugu jiro inay gaajo u dhintaan.

Waxyaabaha lagu heshiiyey waxaa sidoo kale qeyb ka ah in la dhameystiro dastuurka dalka, waxaana lagu heshiiyey in la dhameystiro xubnaha dhiman ee guddiga dib u eegista dastuurka dalka.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved