Home » Dil ka dhacay Wanlaweyn oo faah faahino kasoo baxeyso

Dil ka dhacay Wanlaweyn oo faah faahino kasoo baxeyso

by Mohamed Jibril
0 comment

 Muqdisho (Horn life) — Wararka laga helayo Tuulada Haakow oo hoostagta degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay Nin lagu magacaabi jiray Sakariye Sheekh Cali Haakow.

Rag hubeysan ayaa la sheegay in Sakariye ay Gurigiisa ay kala baxeen kaddibna kudileen Sakariye oo uu dhalay Sheekh Cali Haakow oo caan ka ah degmada Walanweyn.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in raggii ka dambeeyay ay goobta ka baxsadeen, waxaana tegay saraakiil katirsan laamaha amniga degmada Walanweyn, kuwaas oo wada baaritaanka dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Weli lama oga cidda ka dambeeysay dilkaas iyo sababta loo dilay, waxaana dilkaan uu kusoo aadayaa xilli dhawaan tuulooyin hoostaga degmada Walanwyen ay ka dhaceen dagaal Beeleedy iyo dilal la xiriiray aanooyin qabiil.

Lamaha Amniga degmada Walanweyn iyo Maamulka degmadaas ayaan weli ka hadlin dilkaas, waxaana degmada Walanweyn sanadihii la soo dhaafay kajiray colaad beeleedyo iyo isku dhacyo dhexmarayay laamaha amniga degmada iyo maleeshiyaad isbaaro dhiganayay.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved