Home » Muuse Biixi ”Ma aqbaleyno in deeqaha Caalamka naloo soo mariyo dowladda Soomaaliya”

Muuse Biixi ”Ma aqbaleyno in deeqaha Caalamka naloo soo mariyo dowladda Soomaaliya”

by Mohamed Jibril
0 comment

Hargeysa (Horn life) — Madaxweynaha  Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo uu wehlinayo wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland ayaa maanta waxaa uu habka maqalka iyo muqaalka ah (Video Conference) kulan ku-layeeshay Safiirka Ingiriiska iyo ku simaha Safiirka Maraykanka.

Ugu horayn, Madaxweynuhu waxa uu uga waramay safiiradda xaaladda guud ee abaaraha ka jira Somaliland, taas oo lagu qiyaasay in dad gaaraya hal milyan iyo bar (1.5 M) qof ay u baahan yihiin gargaar bin’aadanimo, waxaanu madaxweynuhu si qoto dheer uga hadlay in taakulada caalamiga ah ee loogu talo-galay Somaliland aanay noqon mid loo soo mariyo cid kale ee lagu saleeyo qorshaha Somaliland.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu sharaxaad ka bixiyey hawlaha doorashooyinka ee socda; sida tartanka ururada siyaasada iyo qabsoomida doorashooyinka kusoo foolka leh. Sidaa darteedna ay xukuumaddu diyaarisay kharashka ku bixi-doona diiwaangelinta iyo doorashooyinka.

Ugu danbayntii safiiradu waxay madaxweynaha uga mahadnaqeen kulanka ay la qaateen, waxaanay balan qaadeen inay Somaliland si dhaw ula shaqayn doonaan.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved