Home » Somaliland oo jawaab ka bixisay hadalkii golaha wadatashiga qaran

Somaliland oo jawaab ka bixisay hadalkii golaha wadatashiga qaran

by Mohamed Jibril
0 comment

Muqdisho (Horn Life) — Maamulka Somaliland ee sheegay inuu ka go’ay inta kale ee Soomaaliya ayaa jawaab adag ka bixiyay hadalkii shalay kasoo yeeray  Golaha wadatashiga Qaran.

Hadalka kasoo yeeray Golaha wadatashiga Qaran ayaa ahaa inay madaxda iyo shacabka Somaliland ilaashadaan xasiloonida iyo nabadda ayaa waxaa Somaliland ay deg deg uga jawaabtay hadalkaas.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Saleemaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay in hadii ay cid la talinayaan oo ay wax yihiin golaha wadatashiga ay badbaadin lahaayeen shacabka hortooda maalin walba lagu dilayo.

Wasiirka ayaa sheegay in maalin kasta Soomaaliya lagu dilo dad shacab ah oo ay mas’uul ka yihiin Golaha wadatashiga qaran loogana baahan yahay  inay dadkooda u tashadaan oo ay ka badbaadsaadan cadawga dilaya.

Saleemaan Cali Koore ayaa madaxda Dowladda Soomaaliya ugu baaqay inaysan waqti isaga lumin arrimaha Somaliland isla markaasna looga baahan yahay inay ku ekaadaan xalinta dhibka heysto shacabka ay madaxda u yihiin.

“Shacabka hortooda ugu dhimanaya sida Ayaxa iyo Kaneecadda la buufiyey oo kale ayaa tallo uga baahan ee Somaliland talo ugama baahna” ayuu wasiir Saleemaan Cali Koore oo qabtay shir jaraa’id.

Somaliland ayaa mar walba ka jawaabta hadallada iyo go’aanada kasoo baxa Dowladda Soomaaliya eek u saabsan arrimaah Somaliland, iyaga oo aaminsan inay ka go’een Soomaaliya inteeda kale.Somali

Somaliland ayaa dhowr sano ka hor ku dhawaaqday inay tahay dal madax banaan balse illaa iyo hadda ma aysan helin aqoonsi caalami ah, waxaana sidoo kale diidan Soomaalida inteeda kale.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved