Home » Soomaaliya iyo Kuwait oo kawada hadlay qaraxyadii ka dhacay Soobe

Soomaaliya iyo Kuwait oo kawada hadlay qaraxyadii ka dhacay Soobe

by Mohamed Jibril
0 comment

Algiers (Horn life) — Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibedda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaliya ayaa kulan kula qaatay caasimadda dalka Algeria ee Algiers, dhigiisa Arrimaha dibedda ee Dawladda Kuwait  Sheikh Salem Abdullah Al-Jaber Al-Sabah.

Wasiirka Arrimah dibedda Soomaliya ayaa kala hadlay dhigiisa kuwait sidii Soomaaliya loo garab istaagi lahaa loogana caawin lahaa dhibaatada Al-Shabaab ay ka geysteen magaalada Muqdisho ee ku saabsan qaraxyadii Soobe.

Sidoo kale waxaa ay ka wada hadlen arrimaha Cafinta deymanka Soomaaliya lagu leeyahay iyo sida ugu haboon ee Soomaliya uga faa’iidaysan karto kaalmada ay dawladda Kuwait ugu talo gashay horumarinta waxbarashada.

labadda Wasiir ayaa sidoo kale ka wada hadlay adkaynta xiriirka iyo sidii loo sii wadi lahaa iskaashiga dhinacyada badan ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

kulanka ayaa waxa wasiirka Arrimaha dibedda Soomaliya ku weheliyey safiirada Soomaaliya u kala fadhiya Masar, Algeria iyo Agaasimaha waaxda Carabta ee wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved