Home » Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo Muqdisho ka dhacay

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo Muqdisho ka dhacay

by Mohamed Jibril
0 comment

Muqdisho (Horn Life) — Ugu yaraan hal qof oo carruur ah ayaa dhintay, 11 kalena way dhaawacmeen kadib qarax ka dhacay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ahaa miino lala beegsaday gaariga guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo weerarkan inuu dhacay u xaqiijiyey Idaacadda VOA Somali.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in dadka dhaawacmay ay ku jiraan carruur.

Qaraxan ayaa sidoo kale guddoomiye ku xigeenku sheegay inuu waxyeello weyn gaarsiiyey dad shacab ah oo la socday baabuur kuwa dadweynaha ah.

Guddoomiye ku xigeenka oo aan la socon baabuurka markii uu qaraxu dhacay ayaa waxaa kale oo uu xaqiijiyey in qaar ka mid ah ilaaladiisa ay weerarka ku dhaawacmeen.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved