Home » Xubin katirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay taliska 8ciidanka xoogga dalka

Xubin katirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay taliska 8ciidanka xoogga dalka

by Mohamed Jibril
0 comment

Muqdisho (Horn life)— Taliska qeybta 60aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ka howlgalla degaannada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Maanta degmada Diinsoor ee Gobolka Baay kusoo bandhigay Xubin katirsan ururka Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidamada.

Abshir Maclin idiris oo magaciisu Afgarashadu ay yahay Sahal ayaa isku soo Dhiibey Ururka 154aad Ee Taliska Guutada 8aad Qeybta 60aad Ciidanka Dhulka ee Fadhigooda yahay Degmada Diinsoor , isaga oo watay Qoray nooca AK47 ah iyo Booshkiisa.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in Abshir uu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca Jabhadda ama kuwa weerarada geysta, isla markaana uu ka qeyb qaatay weeraro ay Al-Shabaab ka geysteen degaanno katirsan Gobolada Galgaduud, Mudug, Hiiraan Shabeellaha Dhexe & degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Abshir Maclin idiris oo dhankiisa Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in muddo Shan sano ah uu katirsanaa Al-Shabaab, isla markaana uu Al-Shabaab uga biiraay degaanka Gurbaan ee Gobolka Baay, kadibna uu u wareegay degaano kale.

Bilihii la soo dhaafay ayaa saraakiisha Ciidamada xoogga dalka gaar ahaan qeybta 60aad waxaa ay sheegeen inay kordheen xubnaha katirsan Al-Shabaab ee isku soo dhiibaya, iyada oo ay socdaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved