Home » Cali Guudlaawe oo baaq u diray shacabkii ka barakacay Masjid Cali Guduud

Cali Guudlaawe oo baaq u diray shacabkii ka barakacay Masjid Cali Guduud

by Mohamed Jibril
0 comment

Muqdisho (Horn Life) — Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegay in Al-Shabaab  laga xureeyay deegaanka cali gaduud ay dhibaato badan ay ku hayeen bulshada ku dhaqan degmadaan isagoo xusay in dadkaan ay ka qaadan jireen xoolo baad ah.

Madaxweynaha ayaan tilmaamay in Al-Shabaab ay cadow ku yihiin nolosha umaddw Soomaaliyeed, dhowaana laga ciribtiri doono deegaanada Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabkii ka barakacay Masaajid Cali Gaduud ina ay dib ugu soo laabtaan Magaalada, howlgaladuna la sii wadayo inta Al-Shabaab laga ciribtirayo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Shabaab Masaajid ku yaalla degaanka ay dhigeen dukaamo lagu ganacsado, sidoo kale dadka shacabka ay ka qaadi jireen xoolo fara badan.

Waxaa uu sheegay Madaxweynaha Hirshabeelle in ciidanka Ammaanka aysan joojin doonin howlgallada ka dhanka Shabaab.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved