Home » Somaliland oo beenisay inay taageerto Ururka Al-Shabaab

Somaliland oo beenisay inay taageerto Ururka Al-Shabaab

by Mohamed Jibril
0 comment

Muqdisho (Horn Life) — Taliyaha guud ee Ciidamada Somaliland Jen. Nuux Ismaaciil Taani ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in Somaliland magan-geliso kooxaha Argagixisada ah.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa ayuu kaga jawaabay hadalkii Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland uu ku sheegay in Soomaliland gacan-siiso Argagixisada.

Taliyaha Ciidamada Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in liiskii u danbeeyay ee shakhsiyaadkii Maraykanku ku tilmaamay Argagixisada ay dhammaantood ka soo jeedaan Puntland.

Puntland ayaa marar kala duwan Somaliland ku eedaysay in ay xiriir iyo wada-shaqayn la leeyihiin kooxaha Argagixisada balse Somaliland mar kasta waa beenisaa arrintaas.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved