Home » DF oo soo saartay liis looga mamnuucayo Culimada la macaamilka Al-Shabaab

DF oo soo saartay liis looga mamnuucayo Culimada la macaamilka Al-Shabaab

by Mohamed Jibril
0 comment

Muqdisho (Horn life) — Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal ku socda  Culimada Soomaaliyeed, kaas oo looga mamnuucayo inay aadaan degaannada ay maamulaan ururka Al-Shabaab, sidoo kalena ay la magacaabilaan.

Qoraalka oo ka kooban hal bog ayaa lagu soo bandhigay  qodob oo ku socda Cullimada Soomaaliyeed, iyada oo laga amba qaadayo shirkii Cullimada Soomaaliyeed ee qasoomay intii u dhaxeeysay 24-kii iyo 29-kii Octoober, waxaana ay kala yihiin.

1: Wasaaradda iyadoo adkeynaysa Bayaankii shirkii 24-29 Oktoober 2022,waxay reebtay in kooxaha Khawaarijta ee ka daagalama Soomaaliya loogu yeero magac aan ahayn Khawaarij.

2: Wasaaraddu waxay reebtay faafinta afkaaraha khawaarijta ee ku saleysan-Kaligii muslinnimadda, dilka, isdilka iyo naftii halignimada- salna aan kulahayn Diinteena Islaamka ee xaaraanta ka ah.

3: Wasaaraddu waxay ka reebtay Culimadda Soomaaliyecd la macamilka iyo aadista kooxaha Khawarijta, madaama la macaamilkoodu uu yahay faldambiyeed Qaran, iyadoo ciddii lagu helaana lala tiigsan doono sharciga.

4: Wasaaradu waxay bogaadinaysaa dadaalada ay Culimada Soomaaliyeed ku bayaaninayaan jidka toosan ee ay Diinteena Xaniifka ah inoo jideysay.

5: Wasaaradu waxay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeysaa in ay isukaalmeystaan wanaaga, gutaanna waajibkooda ku aadan taageeridagulufka Dowladda ee ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah ee caadeystay daadinta dhiga Shacabka Soomaliyeed.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved