Home » Khilaaf ka dhashay Golaha Deegaanka Caabudwaaq

Khilaaf ka dhashay Golaha Deegaanka Caabudwaaq

by Mohamed Jibril
0 comment

Muqdisho (Horn Life) — Khilaaf xooggan ayaa lagu soo warmayaa inuu ka dhashay habka loo qaybsaday dhismaha Golaha deegaanka degmadaas.

Murankan oo in muddo ah soo jiray ayaa ayaa xoogiisa waxa uu soo baxay maanta oo Talaada ah , waxaana lagu guuldaraystay xal ka gaarista Khilaafka.

Odayaasha dhaqanka degmada Caabudwaaq ee gobolka galgaduud ayaa sheegay in rejo ay ka qabaan xal ka gaarista khilaafka ka jira dhismaha Golaha deegaanka degmada.

Goor sii horeysay oo maanta ah waxa garooonka diyaaradaha degmada Caabudwaaq la wareegay maleeshiyo beeleed diidan sida loo qaybsaday Golaha deegaanka.

Muddo ka dib ayaa la xaqiijiyay in kooxda laga qaaday Garoonka loona sheegay in ay socdaan dadaalo lagu xalinayo khilaafka jira.

Ilaa iyo hadda ma  jiro wax war  ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo sidoo kale madaxda sare ee dowlad goboleedka Galmudug oo ku aadan xiisadda ka taagan halkaasi.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved