Home » Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Garowe

Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Garowe

by Mohamed Jibril
0 comment

Garowe (Horn Life) — Faah faahino dheeraad ah oo kasoo baxaya Shil gaari oo Maanta ka dhacay Magaalada Garoowe ee Caasimadda dowlad Goboleedka Puntland shilkaas ayaa sababay dhimashada labo qof halka labo kalena ay ku dhaawacmeen.

Shilka ayaa waxaa uu yimid kadib markii gaari dhayne ah oo siday shaqaale xoogsato oo ka yimid xeryaha barakacayaasha ee duleedka bari ee magaalada Garowe uu rogmaday, xilli uu isku dayay inuu meel dalcad ah laamiga kasoo fuulo.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in laada qof ay u geeriyoodeen dhaawac culus oo kasoo gaaray Shilka, halka Dadka dhaawacmay oo ay ku jiraan kuwo dhaawacoodu culus yahay la geeyay Isbitaalka Magaalada Garoowe.

Ciidamada ilaalada waddooyinka Puntland ee Taraafikada iyo dadweyne ayaa tegay halka uu shilka ka dhacay, iyaga oo gurmad u sameeyay dadka ku waxyeeloobay shilka gaari.

Dhowr jeer ayaa shilal Gaari ay ka dhaceen magaalada Garoowe, waxaana shilkaan uu yahay kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhacay magaalada Garoowe iyo degaannada ku xeeran.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved