Home » Xasan Sheekh oo kala diray xubnihii golaha dhaqaalaha Qaranka, magacaabay xubno cusub

Xasan Sheekh oo kala diray xubnihii golaha dhaqaalaha Qaranka, magacaabay xubno cusub

by Mohamed Jibril
0 comment

Muqdisho (Horn Life) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa is-bedel ku sameeyay golaha dhaqaalaha Qaranka, isaga oo sidoo kale kala diray xubnihii hore ee golahan oo isugu jiray shan xubnood oo Soomaali ah iyo afar xubnood oo aan Soomaali ahayn, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyada.

Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa waxaa bishii July ee sanadkii 2018 magacaabay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxayna dowladda Soomaaliya kala talinayeen arrimaha siyaasadda dhaqaalaha, fulinta qorshaha dowladda iyo isku dubbaridka kheyraadka dalka.

Waxaa guddoomiye u ahaa Dr. Cali Ciise Cabdi, waxaana xubnihii ajnabiga ahaa ee ka mid noqday golahan ka mid ahaa Abdalla Hamdok oo markii dambe Ra’isul Wasaare ka noqday waddanka Sudan.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kadib markuu tixgaliyey baahida loo qabo in dib u habeyn lagu sameeyo Golaha Dhaqaalaha Qaranka, si loo waafajiyo arrimaha mudnaanta leh ee horumarinta dhaqaalaha dalka waxa uu soo saaray Xeer Madaxweyne LR. 61 iyo Xeer Madaxweyne LR.62.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha.

Golaha Dhaqaalaha Qaranka waxaa guddoomiye ka ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, halka Ra’iisul Wasaaruhuna yahay Guddoomiye ku xigeen, waxayna hore uga koobnaayeen sadeex heer, iyada oo hadda lagu soo koobay laba heer, sida lagu yiri qoraalka Villa Somalia, kuwaas oo ka ah;

1-Heerka Jaangooynta Siyaasadda iyo Go’aamada Dhaqaale ee Masiiriga ah oo aan waxba laga badelin, kaas oo ay xunbo ka yihiin Madaxweynaha Ra’iisul Wasaaraha, Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirada, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ‘marka loo baahdo go’aan ka gaarista qodobbo saamaynaya.

2-Heerka La-talinta iyo Xog-heynta oo kooban 9 xubnood oo La-taliyayaal ah iyo Xog-heynta oo lagu soo xulay aqoontooda iyo khibraddooda, ayaa hoos imaanaya Xafiiska Madaxweynaha, sida ku cad wareegtada madaxweynaha. Heerka la-talinta iyo iyo xog-heynta waxaa agaasime guud u ah La-taliyaha Sare ee Dhaqaalaha Madaxweynaha, kaas oo mas’uul ka ah isku-duwidda maamulka heerkaan ee Golaha.”

Xubnaha cusub ee uu magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh oo dhammaantood Soomaali ah ayaa kala ah;

1.Xasan Aadan Hoosow, La Taliyaha Sare ee Madaxweynaha, ahna Agaasimaha Guud

  1. Cabdullaahi Cali Cabdi, Xubin
  2. Kamaaludiin Axmed Sheekh, Xubin,
  3. Adam Xuseen Rooble, Xubin
  4. Nimco Maxamuud Sakal, Xubin
  5. Maluuka Dheere Sheekh Cabdulqaadir, Xubin
  6. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, Xubin
  7. Maxamed Cusmaan Maxamuud, Xubin
  8. Cabdisalaam Cabdiraxmaan Maxamed, Xubin

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved