Home » Aabbe iyo Wiilkiisa oo lagu dilay Galgaduud

Aabbe iyo Wiilkiisa oo lagu dilay Galgaduud

by Mohamed Jibril
0 comment

Muqdisho (Horn Life) — Wararka aan ka heleyno gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay malleeshiyaad hubeysan ay dil arxan darro ahaa ka geysteen qaybo ka mid ah deegaanka Dhisaq Shurufle oo ka tirsan gobolkaasi.

Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa loo geystay Aabbe iyo wiilkiisa xilli ay dukanayeen Salaadda Cishe, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Aabaha ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Sheekh Cismaan Axmed Geedi, waxaana si weyn looga yaqiinay gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Dhacdadaan ayaa Galmudug waxa ay ku eedeysay inay dambeeyeen xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo goobta isaga baxsaday, kaddib markii ay toogashada fuliyeen.

Ciidamo katirsan kuwa ammaanka Galmudug oo gaaray deegaanka ay mashaqadu ka dhacday ayaa sameeyey howlgallo kooban oo ay ku baadi goobayaan xubnihii ka dambeeyay dilkaasi.

AUN Sheekh Cismaan Axmed Geedi ayaa horey usoo noqday guddoomiyihii hore ee maxkamadda degmada Cadaado, waxaana la filayaa in maanta isaga iyo wiilkiisa lagu aaso halkaasi.

Dhinaca kale wararka laga helayo deegaanka uu dilka ka dhacday ayaa sheegaya in laga dareemayo saameynta ka dhalatay dhacdadaan oo ay aad u hadal hayaan dadka deegaanka.

Deegaannada Galmudug ayaa waxaa haatan ka socdo howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo deegaano badan looga saaray kooxda, waxaana ugu dambeeyay deegaanka Wabxo oo k7 dhowaad 15 sano ay maamuliyeen Al-Shabaab.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved