Home » DF oo war kasoo saartay Wadaad caan ahaa oo Muqdisho lagu dilay

DF oo war kasoo saartay Wadaad caan ahaa oo Muqdisho lagu dilay

by Mohamed Jibril
0 comment

Muqdisho (Horn Life) — Wasiirka Arrimaha gudaha, Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Axmed Macallim Fiqi ayaa ka hadlay dil xalay loo geystay Sheekh Cabdi Caziz Maxamed Xersi oo ahaa Imaamka iyo Khadiibka masjidka Dabaqaynka, ee degmada Dharkeenley ee Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Wasiir Axmed Fiqi ayaa waxaa tacsi loogu diray ehelladdii iyo qaraabadii uu ka baxay Sheekh Cabdicasiis Maxamed Xersi oo tirsanaa Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, sidoo kalana ahaa Imaamka masjidka Dabaqaynka.

Sheekh Cabdicasiis ayaa rag hubeysan oo watay Bastoolad waxaa ay dileen, xilli uu kasoo baxay masaajidka, isla markaana falka kadib goobta ka cararay, dilka Sheekh ayaa kamid noqonaya dilal qorsheysan oo horey uga dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka howlgala degmada Dharkeenley ayaa tagay goobta lagu dilay Sheekha, iyagoona intaas kadib sameeyay howlgal lagu baadi goobayey dadkii geystay dilka, in kastoo aan gacanta lagu dhigin.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved