Home » Sawirro: Booliska Soomaaliya oo sheegay inay qabteen bajaaj qaraxyo waday iyo rag katirsan Al-Shabaab

Sawirro: Booliska Soomaaliya oo sheegay inay qabteen bajaaj qaraxyo waday iyo rag katirsan Al-Shabaab

by Mohamed Jibril
0 comment

Afgooye (Horn Life) — Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in maanta oo sabti ahayd ay degmada Afgooye ku qabteen Mooto Bajaaj guduud ah oo taarikadeedu tahay M903X, mootadaas oo lagu waday ugu yaraan 2 nuuc oo qaraxyo ah, sida ay sheegeen kuwaas oo kala ah.

1- MB 5 Motorcycle Alarm System (Remote)
2- Explosive Formed Projectile (EFP) nuuca loo yaqaano SOO-BOODO.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in Al-Shabaab ay u maleegayeen qaraxyadani shacabka Soomaaliyeed.

Booliska ayaa sheegay in gacanta ay haayaan dhammaan agabkii iyo eedeysanaasha loo haysto inay fulin rabeen qaraxyadaasi.

Boolisku ma sheegin inta ay tiradoodu ka kooban tahay iyo goobaha loo waday.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved