Home » Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa faarujinaya deegaano badan

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa faarujinaya deegaano badan

by Mohamed Jibril
0 comment

Muqdisho (Horn Life) — Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kasoo baxaya deegaano ay dhowaan ka qabsadeen Ururka Al-Shabaab ayagoo ay wehlinayeen malleeshiyaadka Macawisleyda.

Degaannada saacadihii la soo dhaafay ay ciidamada dowladda banneeyeen ayaa waxaa kamid ah degaanka Wabxo ee Gobolka Galgaduud oo maalmo ka hor uu ka dhacay dagaal geystay khasaaro dhimasho & dhaawac ah iyo degaanka ceelbaraf oo shalay Ciidamadu ay sinabad geliyo ah kula wareegeen.

Siyaabo kala duwan ayaa loo fasiray sababaha keenay in ciidamadu ay si fudud uga soo baxaan degaano iyo degmooyin markii la qabanayay wakhti badan la geliyay, isla markaana dagaallo ay ka dhaceen.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa inta badan sheegata guulo waa weyn iyo deegaano cusub oo ay qabsadeen tani ayaa dhabar jab adag ku ah ayadoo aysan jirin wax istaraatijiyad ah.

Dagaallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ayaa socda ku dhowaad 4 bilood kuwaasoo looga qabsado deegaano hor leh markasta.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved