Home » Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay safarradiisii badnaa

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay safarradiisii badnaa

by Mohamed Jibril
0 comment

Muqdisho (Horn Life) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta daahfuray kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, ayaa ka hadlay safaradii kala duwanaa ee ugu baxay dalka dibeddiisa tan iyo markii uu xilka la wareegay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ujeedka safaradaas iyo booqashooyinkaasi ay salka ku hayeen qorshaha dowladdiisa cusub ee ku aaddan in la helo siyaasad arrimo dibadeed ka duulaysa Soomaaliya deriskeeda iyo dunidaba heshiis la ah.

“Waxa aan markii aan xafiiska imid safarro dalka dibeddiisa ah ugu amba baxay dalal kala duwan, ujeedka safarradaas iyo booqashooyinkaasi waxa ay salka ku hayeen qorshaheenna ku aaddan in la helo siyaasad arrimo dibadeed oo ka duulaysa Soomaaliya deriskeeda iyo dunidaba heshiis la ah,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

“Waxaa safaradaas aas-aas u ahaa inaan madaxda dalalkaas ka wada-hadalno danaha aan wadaagno iyo qaabka ugu haboon ee ay uga qayb-qaadan karaan dib u soo kabashada qaranka Soomaaliyeed iyo kaalinta ay ka geysanayaan dagaalka aan kula jirno Khawaarijta ma naxaanka ah ee caqabadda ku ah dowladnimada iyo nolosha dadka Soomaaliyeed kuwaasi oo bannaystay daadinta dhiiggoodq iyo boobkaa hantidooda, kuna xad-gudba sharaftooda,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in safaradii kala duwan ee ugu baxay dalka dibeddiisa uu kala soo laabtay guul wax ku ool ah, oo macno weyn u leh horumarka dalka

“Dhammaan safaradaas waxa aan kala soo laabanay guul, annaga oo madaxda dalalkaas isku raacnay inay door mug leh ka geystaan arrimaha hortabinta u leh dowladdeenna iyo dadaallada aan ku baadi goobaynno dib u dhiska dalka iyo xoojinta dowladnimadeena curdinka ah.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed u xaqiijiyo in siyaasadda dowladdeenna ay laf-dhabar u noqon doonto in la soo dhoweeyo cid walba oo diyaar u ah inay naga taageerto arrimaha mudnaanta innoo leh.”

“Waxaa isu dheelli tiraynaa danaha aan caalamka ka leennahay iyo kuwa ay iyagu innaga leeyihiin, Soomaaliya xilligan la joogo inta ay saaxiib u baahan tahay ayaa ka badan inta ay cadaw u baahan tahay.”

Madaxweynaha ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay bishii May, u baxay safarro badan oo dalka dibeddiisa ah, si usii xoojiyo xiriirka iyo taageerada dalalkaas ee Soomaaliya, inkasta oo safaradaas tirada badan ay si weyn u dhaliileen siyaasiyiinta mucaaradka ah.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved