Home » Xabad joojin la kala dhex dhigay malleeshiyo beeleed ku dagaallamay Cadalle

Xabad joojin la kala dhex dhigay malleeshiyo beeleed ku dagaallamay Cadalle

by Mohamed Jibril
0 comment

Muqdisho (Horn Life) — Dhowaan labo malleeshiyo Beeleed oo ay ku dagaallameen degaano hoostaga degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa billowday wada-hadallo lagu doonayo in xal looga gaaro colaad beleedyada soo laab laabtay ee ka dhacay degmadaas.

Degmada Cadalle waxaa gaaray Odayaal Dhaqan oo ay hoggaaminayaan Ugaas Maxamuud Cali Ugaas & Imaam Maxamed Yuusuf, kuwaas oo bilaabay kulamo lagu dhex dhexaadinayo dhinacyada dagaalamay.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa sheegay inay la kulmeen Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, ayna ka wada hadleen sidii xal looga aari lahaa colaada labada beelood oo ah kuwo soo laab laabtay.

Wuxuu sheegay in saacadaha soo socda Guddiyo uu kamid yahay ay gaari doonaan degaannadii lagu dagaalamay, isla markaana maalmaha soo socda go’aan laga gaari doono colaada u dhaxeeysa labada maleeshiyo Beeleed ee wada degaan degaano hoostaga degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dagaal Beeleedyadii ka dhacay degaannada hoostaga degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ka dhashay dhimashada in ka badan 30 Ruux, waxaana dagaallada ay yihiin kuwo soo laab laabtay.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in la kala dhex galay malleeshiyaadkaasi ku dagaallamaayay Shabeellaha dhexe deegaano hoostaga Cadalle, balse hadda loo sammeeyay Heshiisyo lagu joojinayo xabbadda.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved