Home » Kherson: Magaaladii Qaraha

Kherson: Magaaladii Qaraha

by Mohamed Jibril
0 comment

Kherson (Horn life) — Markii madaxweynaha Ukraine uu booqday magaalada dhowaan la xoreeyey ee Kherson waxaa uu ku kaftamay in uu halka u tagay isagoo doonaya qaraha ay magaalada caanka ku tahay.

Muhiim bay aheyd in uu taageero dadka halkaa ku nool marka loo eego qataraha socda laakiin maxay tahay sababta uu qaraha uga hadlayo.

Wuxuu ka hadlayey Madaxweynaha geed miroodka internetka qabsaday ee qaraha – waa miro astaan u ah gobolka koofurta ee Ukraine .

Inta badan qaraha ka baxa Ukraine waxaa uu ka yimaadaa magaalada Kherson oo ah magaalo beereed ku taalla badda Madowoo leh cimilo huur ah oo oggolaanaysa qaraha in uu si wanaagsan uga baxo.

MARKII AY Ruushku faragaliyeen bishii February dhoofinta qaraha wey joogsatay.

Waxaa la yiraahdaa qaraha waxaa keenay Kherson dadka reer Crimia ee tatarka qarniyo ka hor.

Sanadihii 1940 iyo 1950 meeyadii ka dib dagaalkii labaad, dadka gobolka marrkii ay dadkeyd in sokor la helo wey miiri jireen waxayna u isticmaali jireen sokor ahaan.

BBC SOMALI

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved