Home » Waddada gaajada: Soomaalidu waxay ka badbaaday abaartii ugu xumayd muddo tobannaan sano ah

Waddada gaajada: Soomaalidu waxay ka badbaaday abaartii ugu xumayd muddo tobannaan sano ah

by Mohamed Jibril
0 comment
Muqdisho (Horn Life) — In kabadan hal milyan oo qof oo Soomaali ah ayaa sanadkan ka qaxay abaaro iyo colaado, balse iyadoo la helay gargaar yar, haddana waxa ay wajahayaan dadkaasi gaajo, cudurro iyo dhimasho.

Al-Hidaaya waa mid ka mid ah boqollaal kaam oo cooshado ka sameysan oo ku yaalla duleedka Mogadishu halkaasoo ay maalin walba yimaadaan dad daalan oo ka soo ordaya abaaraha iyo colaadaha ka jira koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyagoo aad ugu baahan gargaar.

Haddana waxaa jira gargaar yar oo loo heli karo in ka badan hal milyan oo qof oo ka qaxay guryahoodii sanadkan, iyadoo sidoo kalena xaqiiqada xun ay tahay inay sii wadi doonaan inay halis u galaan gaajo, cudurro, iyo dhimasho.

Markii ay hey’ada warbahinta ee arimaha aadamnimo ee New Humanitarian ay booqatay al-Hadiya bishii hore, Amina Mohamed, oo 20 sanno jir ah, waxa ay taagnayd bannaanka hoyga yar ee qaabka laba-jibbaaran (qaabka dhismaha) ee ay ku dhistay haraaga maro iyo baco, wiilkeeda yar ee buka, Sakariya, ayaa sinta u saaran.

Mohamed, haweeney garoob/carmal ah ayaa toddobaad ka hor soo gaartay Al-Hidaaya oo ka timi degmada Kuntuwaarey ee gobolka Shabeellada Hoose oo ah dhul beereed ku yaal gobolka Shabeellada Hoose. Waxa ay ahaan jirtay hooyga rootiga ee Soomaaliya, balse hadda waa dhul engegan oo aan waxba lagu beeriin ah ka dib afar xilli oo abaartii ugu darneyd ee soo marta tobannaan sano, taasoo ah masiibo cimilo oo malaayiin qof ay gaajo iyo sabool ku noqdeen.

Beerta marwa Mohamed waxba kama soo bixin bilihii Abriil ilaa Juun Gooysashada ‘’Gu’a, mid kamid ah deriskeeda ma haysan cunto uu kaydsan ama lacag uu amaahiyo. “Gaajo darteed ayaan uga soo tagay,” ayey u sheegtay heyada warbahinta ee arimaha banii aadanimada ee New Humanitarian. “Ma taalo wax cunto ah halkaas.”

Iyada oo sidata wiilkeeda oo shan jir ah oo uu la ildaran yahay shuban biyoodka, waxay laba maalmood iyo habeen u soo soconaysay cunto iyo biyo la’aan, ilaa ay ka soo gaadhay Afgooye oo 30 KM u jirta Mogadishu. Halkaa, waxa ay awooday in ay gaadhi weyn u raacdo al-Hidaaya, iyada oo rajaynaysa in ay hesho gargaar.

In kasta oo ay safarkaasi ku rafaadday, haddana qof faro madhan bay ahayd. “Waxaan u baahanahay cunto, laakiin ma jiraan wax ina soo gaaray tan iyo markii aan imid,” ayeey tiri marwa Mohamed. “Maxaan samayn karaa? Waxaan ka baryayaa Allah si uu cunto inoogu keeno – wax kale oo aan samayn karo ma jiraan.”

Waxaa jirta masiibo ka sii qoto dheer. Markii ay isku dayday in ay badbaadiso Zakariya, marwa Mohamed waxa uu ee qasbanaatay in ee ka tego hooyadeed oo da’ ah, iyada oo aad u itaal daran in ay safarto. Waxay ka codsatay deriskeeda inay isha ku hayaan, laakiin run ahaantii ma garanayo sida ay kaligeed u maareyn doonto. “Haddii ay nooshahay, waxaan ku kulmi doonnaa halkan, ama tuulada dib ayaan ugu laaban doonnaa,” waa waxa kaliya ee ay dhihi karto, shucuurtu wali waa qaydhin.

Abaar iyo colaad

Ugu yaraan 7.8 milyan oo qof ayaa gaajaysan – malaayiin ayaa ku jira xaalad “dhibaato” ah oo ay u dhintaan kuwa ugu liita. Iyadoo aan si degdeg ah loo fidin gaarsiinta gargaarka, macaluul ayaa la saadaaliyay in ay ka dhici karto deegaannada aan la gaari karin ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyo dhimasho aad u badan.

Inta badan dhulka miyiga ah ee Soomaaliya – oo uu ku jiro deegaanka Maxamed e ka soo jeedo – waxaa gacanta ku haya kooxda mujaahidiinta ee al-Shabaab, oo dagaal adag kula jirta dowladda federaalka Soomaaliya in ka badan labaatan sano. Waxay mamnuucaan hawlaha gargaarka ee reer Galbeedka, iyagoo ka baqaya basaasnimada iyo ku milanka saamaynta siyaasadeed.

Wax badan akhri: Al-Shabab iyo helitaanka gargaarka

Ugu yaraan 1.1 milyan oo qof ayaa sanadkan isaga tagay gobollada ay sida ba’an u saameyeen ee Shabeellaha Hoose, Jubbada Dhexe, Bay, iyo Bakool, iyaga oo ka soo baxsanaya abaarta – iyadoo ay tahay xilligii shanaad oo aan horay loo arag ay roobabkii di’i waayeen – waxaana sare u kacay dagaallada u dhexeeya Al-Shabaab iyo dowladda.

Waxaa jira boqollaal kaamam yar yar oo hoy u ah dadka barakacayaasha ah oo ku teedsan wadada Afgooye, taasoo xiriirisa Mogadishu iyo dhulka koofureed. Degsiimooyinkan – oo sida caadiga ah martigeliya inta u dhaxaysa 700 ilaa 1,000 qoys midkiiba – waa kuwo si gaar ah loo maamulo, waxaana si teel-teel ah u gaara NGO-yada oo hay’adaha gargaarku sida caadiga ah ka bixiyaan hawlaha gargaarka.

Waxa loogu yeero “ilaaliyeyasha”, oo maamula degsiimooyinkan gaarka loo leeyahay, waxay dadka cusub u qoondeeyaan dhul ay ka dhistaan hoy oo ay sidoo kalena siiyaan adeegyada aasaasiga ah – oo ay ku jiraan amniga, iyo ka caawinta xaaladaha degdegga ah. Taa beddelkeeda, waxay helayaan dhimis kasta oo gargaar ah oo ay helaan barakacayaasha.

Wax badan akhri: “Ilaaliyeyaasha”

Al-Hidaaya, oo 13 kiiloomitir u jirta Mogadishu, in ka badan 1,370 qoys ayaa la isugu geeyay taako yar oo dhul ah, iyadoo 100 ilaa 200 oo qof oo cusub ay maalin walba u safraan. Waxaa jira hal meel oo goob biyo ah, malahan musqulo, iyo goob caafimaad toona.

“Dadku maalin walba way imaanayaan. Waxa ay wajahayaan dhibaatooyin badan,” waxaa sidaas tiri maamulaha kaamka
Nadifo Hussein. “Waxaan mararka qaarkood gelinaa/dejinaa afar ilaa shan qof hal hoy oo ciriiri ah.”

Xaaladuhu waxay gacan ka geysteen ama keeneyn dillaaca jadeecada – cudur ku dhaca neef-mareenka, oo inta badan u dhinta carruurta. Shuban biyoodku sidoo kale waa mid baahsan. In ka badan seddex maalmood oo wareysiyo ah oo ka dhacay al-Hidaaya, New Humanitarian waxay la kulantay hooyooyin badan oo aastay/ka dhintey ugu yaraan mid ka mid ah carruurtooda sababo la xiriira caabuqyadan si fudud loo daweyn karo.

“Wiilkeygu wuxuu ku dhintay halkan shalayto, wuxuu xanuunsanaa muddo toddobaad ah,” ayay tiri Khadija Mohamed iyadoo murugeysan. “Jadeeco ayaa ku dhacday, wuxuuna bilaabay inuu qufaco; ka dibna wuu dhintay.” Wuxuu ahaa qofkii labaad oo kamid ah afar caruur ah oo ay dhashay oo ku geeriyootay xeradaas tan iyo markii ay ka timid degmada Diinsoor ee gobolka Baay, labo bilood ka hor.

Deeq bixintu aad bay u soo daahday

Inkastoo digniino horudhac ah oo badan laga bixiyay in Soomaaliya ay wajaheyso masiibo, gargaarka ayaa si gaabis ah u yimid. Xitaa bishii Meey, maalgelinta $1.5 bilyan taasoo ah qorshe jawaab bixin waxaa lagu tilmaamay inay tahay “hoog”. Dhawaan qaramada midoobay ayaa kor u qaaday ilaa $2.2 bilyan si loo daboolo baahiyaha sii kordhaya, laakiin kaliya 45% ayaa la loogu deeqay. Dawladda dhexe ee taagta daran waxay ku dhawaad gabi ahaanba ku tiirsan tahay jawaabta nidaamka caalamiga ah si ay u quudiso muwaadiniinteeda.

Nabadgelyo darrada ba’an ee Soomaaliya kajirto waxay sidoo kale saameyn ku yeelataa hawsha gargaarka. Hawlgallada gargaarka ee hay’adaha gargaarka reer Galbeedka – marka ay ka tagaan aagga cagaaran ee aadka loo ilaaliyo – waxa la socda kooxo hubaysan oo galbinaysa, isku dubarid faahfaahsan, waxayna socotaa wax aan ka badnayn 30 daqiiqo.

Iyo sidoo kale sabab wanaagsan. Waxey New Humanitarian maqashey bambaano oo ka dhacay meel aan ka fogeyn al-Hidaaya hal mar oo ay safar ku tagtey kaamka. Markeey kusoo socdeen magaalada Mogadishu, waxaa la xiray wadada kadib markii ciidamada ay heleen qalab kale oo ay kala furfureen. Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay labadaasi shil.

Direct Aid,Hayad Kuwait fadhigeedu yahay iyo hayad kale oo maxali ah Heya’dda Zamzam Foundation, waa labada NGO kaliya ee ka shaqeeya al-Hidaaya. Direct Aid waxa ay bixisaa raashin bariis, timir, budo caano ah iyo saliidda cuntada lagu kariyo ilaa 300 qoys, iyo xoogaa buskut dhiiq ah oo loogu talagalay carruurta – laakiin weligeed ma jirto cunto ku filan oo loo qeybiyo dadka.

Gargaar la’aantu waxay ka dhigan tahay in marwa Mohamed, sida kuwa kale ee dhowaan yimid, ay ku tiirsan tahay samafalka deriskeeda. Shaqooyinka yar yar ee dadku helaan waxay ku iibsadaan cunto yar. Tan, oo lagu kordhiyey/lagu darey raashiin kasta oo dadku weli haystaan, dhammaan hal jeer maalintii ayaa la kariyaa oo si guud ayaa loo wadaagaa.

Amina Ali waxay ahayd shaqsi kale oo cusub oo caawimo raadinaysa. Waxay ka timid tuuladeeda ee gobolka Shabeellaha Hoose saddex maalmood ka hor iyada iyo afar carruur ah oo ay dhashay, ninkeeda lama socon– waxa uu dhawaan u dhintay xanuun muddo yar hayay.

Ali iyo carruurta ayaa saddex habeen la lugeynayay saddex qoys oo kale ilaa uu darawal ka soo qaaday degmada Qoryooley oo qiyaastii 200 KM dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Mogadishu. “Kuwa kale waxay aadeen meelo kale, laakiin halkan ayeynu nimid,” ayay tidhi.

Markii ay timi, waxa u qoondeeyay taako dhulka ah ninka la yidhaahdo Xuseen oo ah maamulaha kaamka. Cali waxa dabadeed dumar kale ku caawiyey in ee alwaax soo ururiyo si ee guri u samesato – xirfad dhaqameed xoolo-dhaqato ah oo ku lug leh in laamo adag la dhex dhigo dhulka si loo sameeyo, iyo in uu timaha dhexdooda ka tolo caleemaha si loo xidho.

Cali waxa ee ku qasbanaatay in ee u raadiso qashin-qubka deegaanka si ee u hesho maro la tuuray si ay ugu daboosho hoygeeda – kuwa nasiibka wanaagsan, barokac muddada dheer ah, haysta baco ay ku dahaadhaan kooda. Iminka waa inay sugto inay iska diiwaangeliso caawimada aasaasiga ah ee Direct Aid ama Zamzam Foundation – ama ay kaalmo ka hesho masaajidda iyo meheradaha maxalliga ah.

‘Tiro yar’

Diiwaangelintu ma dammaanad qaadayso gargaarka inaad heli doonto. Xakiimo Gaabow waxay timid laba bilood ka hor iyadoo wadata siddeed carruur iyo ninkeeda, laakiin weli ma aysan helin raashin. Markii ay la kulantey New Humanitarian, waxay aroor hore saf ugu jirtay buskuta nafaqada , laakiin sahaydu way wada dhammaatay ka hor intaanay gaadhin afka hore ee laynka. “Carruurteyda hadda waa gaajaysan yihiin,” ayay tiri iyadoo aan ku faraxsaneyn.

Abaartu waa mid aan loo meel dayin. Gaabow waxay laheyd dhul hodan ah oo ku yaal gobolka Baay iyo xoolo badan ka hor inta aysan roobabku intaan lawaayin. 80-ka halaad oo qiimahoodu ku dhowaa $60,000, waxayna lahayd boqollaal neef oo ari ah. Midkiiba qiimihiisu yahay $150, hadda dhammaantood waa la waayay – oo ka mid ah malaayiinka dhibanayaasha xoolaha ee abaarta. Xuseen, maamulaha kaamka, ayaa ku qasbanaaday inuu ku caawiyo kiiloo bariis ah oo ay ka soo qaadey tukaan iyadoo ay u keydsaneyso xaaladaha degdega.

Iyadoo cuntada ay tahay mudnaanta koobaad inta badan dadka ku nool al-Hidaaya, Xuseen wuxuu sidoo kale ka walaacsan yahay in adeeg caafimaad aysan jirin. “Carruurtu waxay u dhimanayaan cudurro ay ka mid yihiin jadeecada iyo nafaqo-darada,” ayay tiri.

Hooyooyinka uurka leh ayaa sidoo kale halis ku jira, laakiin waxaa jira caawimo yar oo iyaga loogu talo galey ah. “Waxaan kaliya ka helnaa kooxaha caafimaadka wareega ee Zamzam ama Direct Aid,” Hussein ayaa sharaxay. “Ma jirto xarun caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.”

Xasan Axmed Sheekh, agaasimaha Direct Aid, wuxuu qirayaa in wax badan laga qaban karo; in beesha caalamka looga baahan yahay inay hadda isu soo baxaan si looga hortago “masiibo”. “gargaarka kuma filna,” ayuu yidhi. “Kaliya waa wax tiro yar marka loo eego baahiyaha dadka halkan jooga.”

Waxaa tafatiray Obi Anyadike.

Wax badan akhri: Ilaaliyeyaasha (text)

Ayaa furey bishii Abriil ee sanadkan, waxaa lagu dhisay dhul ay Nadiifo Xuseen ka dhaxashay aabaheed. Waa mid ka mid ah boqollaal kaamamka gaarka loo leeyahay oo ka soo baxay jidka loo yaqaan Afgooye, wadada kaliya ee isku xirta Muqdisho iyo gobollada koonfurta iyo bartamaha dalka, halkaas oo dhulku uu yahay mid raqiis ah.

Ilaaliyaha ififaaluhu waa cajiib. Waddan aan lahayn xeryo rasmi ah, irid-ilaaliyeyaashu waxay horumariyeen ganacsi ku wajahan sidii ay u qaabili lahaayeen Soomaalida saddex milyan baro kacayaasha Waxay bixiyaan adeegyada aasaasiga ah – oo ay ku jiraan ilaalinta, xallinta khilaafaadka, iyo kaalmada dhaqaale ee xaaladaha degdegga ah – beddelka jarista qaybinta gargaarka.

Laakiin mas’uuliyiinta dawladdu waxay u arkaan inay yihiin dad aan isku filneyn, hay’adaha gargaarka caalamiga ahna way iska indho-tiraan – inkasta oo waardiyeyashu ay caadi ahaan dalbadaan 10 ilaa 30 boqolkiiba cuntada ama lacagta caddaanka ah ee la keeno. Markii la eego halkeedii ugu xumeyd, nidaamku waa gacan-ka-hadal iyo dhiig-miirasho, iyada oo baro-kacayaashu macno ahaan ay ku kala iibsanayaan ilaaliyaasha iyo mulkiilayaasha dhulka. Si kastaba ha ahaatee waa waxqabad – oo si qoto dheer u habaysan.

Al-Shabab iyo helitaanka gargaarka

Al-Shabaab ayaa taariikh ahaan cadaawad u ah hay’adaha gargaarka ee reer galbeedka. Waxa ay mamnuucday World Food Programme (Barnaamijka Cunnada Adduunka) 2010, iyada oo ku doodday in gargaarkeedu uu wiiqay beeralayda gudaha. Xayiraaddaas ayaa gacan ka geysatay macluushii 2011-kii, taasoo ay ku dhinteen ku dhawaad 260,000 oo qof, oo intooda badan ay carruur ahaayeen.

Sharciga la dagaallanka argigixisada ee Mareykanka, kaasoo si toos ah u diidaya ku luglahaashaha gargaarka bini-adamnnimada Hay’adaha uu Maraykanka maalgeliyo ee la dagaallama al-Shabaab, ayaa sidoo kale dhaawacay dadaalladii gargaarka ee 2011-kii – inkastoo xanibaada waa laga qaaday inta lagu guda jiray abaaraha 2016 ilaa 2017. Ma cadda in taasi ay ahaan doonto sanadkan iyo in kale.

“Dhibanayaasha abaarta ee ku nool meelaha al-Shabaab haystaan waxay wajahayaan xaalad halis ah,” Mohammed Ibrahim Shire, oo ah falanqeeye Geeska Afrika, ayaa sharaxay. “Waa inay u cararaan meelaha ay dowladdu maamusho oo ay taageero ka helaan halkaas, ama ay ku sii jiraan… Tallaabo kasta oo ay qaadaan, gargaarka mar walba lama dammaanad qaadayo.”

AUTHOR Abdalle Ahmed Mumin

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved