Home » Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay ku xigeenada gobolka Banaadir

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay ku xigeenada gobolka Banaadir

by Mohamed Jibril
0 comment

Muqdisho (Horn life) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo tixraacaya soo-Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u Heshiisiinta XFS ayaa magacaabay Guddoomiye ku-xigeenada iyo Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir.

Mudane Ciise Maxamuud Guure Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda
Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga
Mudane C/Casiis Cismaan Maxamed Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Bulshada
Mudane Xasan Maxamed Jimcaale Guddoomiye Ku-Xigeenka Howlaha Guud
Mudane Faysal Carraale Afrax Xog-Hayaha Guud.

Xeerkan Madaxweyne ayaa waafaqsan qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xeer Lr. 6 ee soo baxay 12/02/1980 kuna saabsan in G/Banadir iyo Dowladda Hoose ay hoos yimadaan Madaxtooyada J.F.S.
Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiye ku-xigeennada iyo Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, ayaa dhaqan galay, maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Axad, 20-ka Nofeembar, 2022.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved