Home » Nabaddoon caan ahaa oo malleeshiyaad ku dileen Cadalle

Nabaddoon caan ahaa oo malleeshiyaad ku dileen Cadalle

by Mohamed Jibril
0 comment

Muqdisho (Horn Life) — Nabadoon Mukhtaar Axmad Maxamad Xasan ayaa Maanta lagu Dilay Degmada Cadalle ee shabeellaha dhexe kaddib markii uu qaadayay Isbaaro ay dhigteen Xubno katirsan Ciidanka millatariga iyo kuwa malleeshiyaad ah sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Nabadoonka la Dilay ayaa kamid ah Waxgaradkii ku baxay Colaaddii ka taagnayd Deegaano hoos-yimaada Degmada Caddalle ee Shabeellaha Dhexe.

Dilkaan ayaa yimid ka hor maalmaha soo socda lagu waday in Caddalle uu gaaro Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Cadalle iyo deegaannada hoostaga ayaa maalmihii lasoo dhaafay ay ka taagneyd shaqaaqo oo u dhaxeysa malleeshiyaad wada dega deegaannadaasi.

Deegaanka Cadalle ayaa inta la xaqiijiyay rabshadaha isdaba joogga ah ee ay ku geeriyooday inkabadan 50 qof halka dhaawacana uu ka badan yahay.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved