Home » Xilalwareejin oo maanta ka dhacday Gobolka Banaadir

Xilalwareejin oo maanta ka dhacday Gobolka Banaadir

by Mohamed Jibril
0 comment

Muqdisho (Horn Life) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xilalka u kala wareejiyay Guddoomiye ku-xigeennada cusub ee maamulka gobolka Banaadir iyo Xoghayaha guud ee maamulka gobolka.

Munaasabadda oo ka dhacday Aqalka dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa kasoo qeyb-galay Guddoomiyaha gobolka Banaadir, qaar kamid ah Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye ku-xigeennada cusub, kuwii hore iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo munaasabadda xil wareejinta ka hadlay ayaa kula dardaarmay xubnaha cusub in si xilkasnima leh oo daacadi ay ku jirto loogu adeego bulshada caasimadda, isagoo madaxdii xilka wareejisay ku amaanay howlihii ay kasoo qabteen maamulka gobolka.

“Waan uga mahad-celinayaa xubnihii hore shaqadii ay soo qabteen, xubnaha cusub (Guddoomiye ku-xigeenada cusub iyo xoghayaha) waxaa dhankooda looga fadhiya inay qabtaan shaqo badan oo waxtar u leh bulshada gobolka Banaadir.”

Guddoomiye kuxigeennada cusub ee maamulka gobolka Banaadir iyo Xoghayaha guud ee maamulka gobolka ee maanta xilka la wareegay ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud magacaabay 20-kii bishaan November 2022-ka.

Guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir ee xilka wareejiyay ayaa muddo ka badan labo sanno kuraastan ku fadhiyay, waxayna intooda badan u badnaayeen kuwa siyaasad ahaan aad u taageersanaa madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved