Home » Qaraxyo ka dhacay Muqdisho oo wasiirro ku dhaawacmay

Qaraxyo ka dhacay Muqdisho oo wasiirro ku dhaawacmay

by Mohamed Jibril
0 comment

Muqdisho (Horn Life) — Warar kala duwan ayaa ka soo baxa qaraxyo waaweyn oo goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan aagga godka Jilicow oo u dhow madaxtooyada Soomaaliya.

Ugu horeyn qarax weyn loo maleynayo is-miidaamin ayaa dhacay, kadibna waxaa xigay qaraxyo kale iyo rasaas toos ah.

Dad ka ag dhow aagaas ayaa Caasimada Online u sheegay in koox hubeysan ay gudaha u gashay Hotel lagu magacaabo Villa-Reys.

Weli waxaa laga maqlayaa aaggaas rasaas si darandoori ah u dhacaysa.

Illaa hadda war sugan lagama helin cidda la bartilmaameedsaday, iyadoo halka weerarku uu ka socdo ay aad ugu dhowdahay madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved