Home » Ciidamada DF iyo Macawiisley oo Al-Shabaab ka qabsaday deegaano cusub

Ciidamada DF iyo Macawiisley oo Al-Shabaab ka qabsaday deegaano cusub

by Mohamed Jibril
0 comment

Muqdisho — Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa Al-Shabaab kala wareegay deegaannada kala ah, Guulane, Daaru-salaam iyo Xarga dheere.

Afhayeenka Ciidanka xoogga Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood oo shir Jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ciidanka ay kusii siqayaan degmadii ugu dambeysay ee Al-Shabaab kaga sugnaayeen gobolka Shabeellaha Dhaxe.

Afhayeenka ayaa sheegay in howlgallada uu sii socon doono maalmaha soo socda illaa inta Shabaab laga saaraayo guud ahaan degaannada Hirshabeelle.

Degmada Aadan Yabaal ayaa ka mid ah degmooyinka muhiimka ah ee Ururkaasi Al-Shabaab ay maamulaan waxaa hadda kaabiga ku haaya ciidanka dowladda.

Al-Shabaab ayaa inta badan bilooyinkii lasoo dhaafay soo wajahay culeeysyo kala duwan ayagoona dagaal culus lagu qaaday oo is abaabulka shacabka iyo DF oo is garabsanaya.

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa inta badan Ururka Al-Shabaab kala warwegay deegaano badan kuwaasoo ay qaarkood maamulayeen 14 sanno.

Ciidamada dowladda iyo kuwa malleeshiyaadka macawiisley ayaa faarujiya mararka qaarkood deegaano ay horey uga qabsadeen Al-Shabaab.

Dadka falanqeeya amniga ayaa sheega inta badan in dowladda federaalka Soomaaliya ay istaraatijayad la’aan gashay dagaalka ka dhanka ah, Ururka Al-Shabaab.

Horn Life

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved