Home » Maxkamadda ciidamada oo xukun dil ah ku ridday nin dhowaan isbaaro ku dilay darawal gaari

Maxkamadda ciidamada oo xukun dil ah ku ridday nin dhowaan isbaaro ku dilay darawal gaari

by Mohamed Jibril
0 comment

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun dil ah ku xukuntay eedeysane loo haysto dilka darawal lagu dilay goob isbaaro ah oo ku taalla deegaanka Balcad.

“Cabdiraxmaan Cadow Ciise Maxamed ayaa lagu xukumay xukun Dil ah oo ah Qisaasta Marxuum Saylax Cabdulle Axmed oo uu Dilay Shilimaad uusan Xaq ugu lahayn 29-kii November bishii tagtay” sida uu Warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsane Cabdiraxmaan waxa uu joogay Isbaaro tiillay Balcad meesha looga baxo.

Maragyadii saarnaa Gaariga shacabka ah waxa ay sheegeen in Xukunsanaha uu si ku tala gal ah u dilay Marxuumka.

Marxuumka ayaa ahaa Darawal si wayn looga yaqaanay tuulooyinka iyo degmooyinka Shabeellaha Dhexe oo uu muddo ku safrayay.

Cabdiraxmaan Cadow Ciise Maxamed ayaa maalin ka hor ka soo Muuqday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Dhowaan ayay ahayd markii uu Xasan Sheekh goob fagaare ah uu ka sheegay qof kastoo qof dila in asaga looga aamuseyn la dili doono.

Tan iyo bishii May markuu xukunka la wareegay madaxweyne Xasan ayaa inta badan uu amrayay kuwoo badan oo sannado dil ku xukunnaa kuwaasoo u badnaa Al-Shabaab.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved