Home » Xamsa Barre oo la kulmay wasiirka wasaaradda horumarinta ee Norway

Xamsa Barre oo la kulmay wasiirka wasaaradda horumarinta ee Norway

by Mohamed Jibril
0 comment

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka horumarinta caalamiga ee dowladda Norway.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cbdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee dowladda Norway Anne Beathe Tvinnereim.

Kulanka Ra’iisul Wasaare Xamse iyo wasiir Anne Beathe Tvinnereim ayaa looga hadlay xoojinta xariirka labada dowladood iyo iskaashiga labada waddan, gaar ahaan taageerada Norway ee isku filnaanshaha xagga cunnada, isbedelka cimilada, horumarinta dhaqaalaha iyo xasilinta dalka.

Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee dowladda Norway Anne Beathe Tvinnereim ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celisay qaabilaadda, iyada oo intaa sheegtay in dowladda Norway ay ka go’antahay joogteynta taageerada ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dowladda Norway uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee ay la garab taaganyihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Horn Life

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved