Home » Nin u aargudayay ‘sawir gacmeedyadii laga sameeyay Nebiga (NNKH) oo la xukumay

Nin u aargudayay ‘sawir gacmeedyadii laga sameeyay Nebiga (NNKH) oo la xukumay

by Mohamed Jibril
0 comment

Maxkamad ku taalla magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa nin u dhashay dalka Mauritania ku soo oogtay in uu ka dambeeyay dambiyo la xiriira weerarro argagixiso oo saddex ahaa oo ka dhan ah reer galbeedka oo ka dhacay Mali sanadkii 2015.

Ilaa 38 qof ayaa lagu dilay weeraradaas, waxaana kamid ah qof u dhashay Mareykanka.

Fawaz Ould Axmed ayaa la soo taagay maxkamad maalin kadib markii dalka Mali uu soo gacangeliyay halkaasoo horay loogu xukumay xukun dil ah kadib markii uu qirtay dambiga.

Waxa uu maxkamada Mali u sheegay in uu ku dhaqaaqay falal aargoosi ah kadib sawir gacmeedyo laga sameeyay Nabi Muxamed NNKH oo lagu daabacay majaladda Charlie Hebdo ee ka soo baxda dalka Faransiiska, isla markaana aanu ka qoomamayn weeraradii lagu qaaday baararka iyo hoteelada ay caanka ku yihiin ajaanibta ku sugan Mali.

Horn Life

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved