Home » Bangiga Adduunka oo Soomaaliya ugu deeqay $70 milyan oo dollar

Bangiga Adduunka oo Soomaaliya ugu deeqay $70 milyan oo dollar

by Mohamed Jibril
0 comment

Bangiga Adduunka ayaa sheegay in uu ansixiyay lacag dhan 70 milyan oo doolarka Mareykanka ah si loogu horumariyo adeegyada Biyaha iyo Beeraha kaas oo laga hirgalin doona deegaanka engegan kuwaas oo ay ku noolyihiin bulshooyinka reer miyiga ah.

Bangiga Adduunka ayaa sheegay Wajiga koowaad ee mashruucan in laga hirgalin doona deegaannada Somaliland, Puntland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed halka Wajiga labaad ee Mashruucaan laga hirgalin doona Dowlad Gobaleedyada Hirshabeelle iyo Jubbaland.

dhanka kale Bangiga Adduunka ayaa sheegay u jeedka ugu weyn ee laga leeyahay Mashruuca Barwaaqo uu yahay in laga hirgaliyo deegaannada ka fog fatahaadaha Wabiyada kuwaas oo dhaca Wabiyada Shabeelle iyo Jubba.

Maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson oo ka hadashay Mashruucaan ayaa sheegtay in uu biyo siin doono 500,000 oo qof, oo u dhiganta ku dhawaad ​​15 boqolkiiba dadka reer miyiga ah, kuwaas oo hadda helaya adeegyo kooban iyo biyo aan ku filneen.

Mashruuca u adkeysiga biyaha Miyiga Soomaaliya oo loo yaqaan “Barwaaqo” laguna dhisayo mashruuca Biyoole ayaa ku soo aadaya xilli Soomaaliya ay ka jirto abaaro aad uu saameeyay dadka iyo duunyada kuwaas oo ku barakacay dad kor u dhaafaya hal milyan oo qof.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved