Home » Sawirro: diyaarad khaat oo ku dhacday Cabud Waaq

Sawirro: diyaarad khaat oo ku dhacday Cabud Waaq

by Mohamed Jibril
0 comment

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta diyaarad sidday Qaad ay ku burburtay degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolkaasi.

Diyaaradda ayaa ku dhacday meel u dhow garoonka diyaaradaha degmadaasi, waxaana soo gaaray burbur xoogan, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Sawirro laga soo qaaday burburka diyaaradda ayaa muujinaya inay ku dhacday meel banaan ah oo ay ku yaallaa geedo gaagaaban.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay shilkan diyaaradeed, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo sidoo kale dowlad goboleedka Glamudug.

Horn Life

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved