Home » Shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo la shaaciyay xilliga la qabanayo

Shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo la shaaciyay xilliga la qabanayo

by Mohamed Jibril
0 comment

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa war-saxaafadeed ay si wada-jir ah u soo wada saareen ku shaaciyay xilliga la qabanayo shirka dib u heshiisiinta maamulkaasi.

War-saxaafadeedkaan ayaa lagu sheegay in furitaanka shirka loo asteeyey 5-ta Janaayo ee sanadka cusub ee 2023-ka, kaas oo ka dhici doona Baydhabo.

Shirka dib-u-heshiisiinta ah ayaa waxaa hore ugu baaqay Guddoomiye Aadan Madoobe, ayada oo uu soo dhaweeyay Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen oo si weyn isku hayaan siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed.

12-ka bisha December wafdi uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ka kooban xildhibaano dowladda federaalka ah oo deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed iyo aqoonyahano ayaa gaarey magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool si ay uga bilaabaan geediga wada-tashiga shirka dib-u-heshiisiinta ah.

Laba maalmood kadib gudoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa waxay gaaraan magaalada Baydhabo halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Koonfur Galbeed, qaar kamid ah Xildhibaanno ka tirsan BFS, Odayaasha Dhaqanka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Aadan Madoobe ayaa inta uu ku sugnaa Baydhabo waxa uu la kulmay Odayaasha dhaqanka, qeybaha kala duwan ee ururada bulshada iyo laamaha amaanka qeybahooda kala duwan. Sidoo kale odayaasha dhaqanka ayaa soo dhoweeyay qabashada shirweynaha dib u heshiisiinta waxey na ku baaqeen in sida ugu dhakhsiyaha badan loo qabto shirka.

Gunaanadkii kulamadii uu la yeeshey gudoomiyaha Golaha Shacabka, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa waxay isla-qaateen:

In dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha, culimaa’udiinka, ganacsatada, dhalinyarada iyo haweenka si dhab ah ugu istaagaan dedaalada la-dagaalanka aragagixisada oo ay hormuudka ka yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dhammaan qaybaha kale ee ciidamada qalabka sida.

In la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqaynta hay’adaha dowladda ee labada heer (fedaraal iyo dowlad goboleed) si loo xaqiijiyo kalsooni buuxda iyo natiijooyin wax ku ool u ah dawladnimada si looga xoreeyo dalka kooxaha Khawaarijta.

In laga wada-shaqeeyo xaqiijinta xasilooni siyaasadeed oo ku qotanta kalsooni, midnimo, sarreynta dastuurka iyo xeerarka dalka.
In sida ugu dhakhsiyaha badan Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu u soo magacaabo guddi heer farsamo oo ka shaqeeya dar dar galinta shirka arrimaha dib-u-heshiisiinta heer farsamo.

Furitaanka shirka waxaa loo asteeyey 5-ta Janaayo 2023-ka kaas oo ka dhici doona Baydhabo.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka mahad celinayaa soo dhoweyntii diiraneyd ay u sameeyeen madaxda iyo shacabka Koonfur Galbeed.

Horn Life

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved