Home » Xog: Dilkii Yuusuf Jingaab oo ahaa xubin sare oo katirsanaa Al-Shabaab

Xog: Dilkii Yuusuf Jingaab oo ahaa xubin sare oo katirsanaa Al-Shabaab

by Mohamed Jibril
0 comment

Muqdisho (Horn Life) — Dowladda Soomaaliya ayaa xalay shaacisay in la dilay Yuusuf Maxamad Jingaab (Wasiir), oo ka mid ahaa xubnaha ugu halista badan kooxda Al-Shabaab.

“Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa xaqiijiyay geerida Yuusuf Maxamad Jingaab (Wasiir) oo ahaa horjooge sare oo katirsanaa Khawaarijta kaas oo halis wayn ku ahaa badqabka shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda.

Sida uu ogaaday Horn Life, Yuusuf Jingaab ayaa lagu dilay duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn (Drone) ee Turkiga, gaar ahaan nooca Bayraktar TB2.

Weerarka oo ka dhacay degaanka Juxaay oo hoos taga degmada Aadan-Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa lagu dilay 87 dagaalame oo Shabaab ah, waana mid ka mid ah khasaarihii ugu badnaa ee mar qura gaara maleeshiyada Al-Shabaab.

Diyaaradaha Turkish-ka ayaa muhiim u ah guuldarrooyinka Al-Shabaab ku gaaray gobolka Shabeellaha Dhexe, inkasta oo dowladda Turkiga iyo dowladda Soomaaliya aysan marnaba shaacin ku lug lahaanshahooda.

Rashid Abdi oo ah fallanqeeya ka tirsan Sahan Research ayaa rumeysan in dhulka Soomaaliya badankiis uu yahay mid ku habboon weerarada diyaradaha Bayraktar TB2.

“Dhulka Soomaaliya waa fidsan yahay, waxayna leedahay dhir dhuuban, maalmaha badankoodna ma laha daruur daboosha. Waa mid ku habboon diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee TB2 inay wax ku dilaan,” ayuu yiri Rashid Abdi.

Waxa uu intaas ku daray “Jihaadiyiinta waxay hadda si wada jir ah ugu cararayaan jeebabka dhulka cufan ee Jubbooyinka.”

Weerarada diyaaradaha Turkiga iyo Mareykanka ayaa muujinaya in saaxiibada caalamka ay si dhab ah uga go’an tahay in kooxda Al-Shabaab laga cirib-tiro dalka.

Kooxdan ayaa hadda laga xoreeyey inta badan maamul goboleedka HirShabeelle, kadib markii beelaha dega ay ayaga oo hubeysan si buuxda u garab istaageen ciidamada qaranka.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved