Home » Dalalka ka qayb galay koobka adduunka oo loo qaybinayo $440 milyan

Dalalka ka qayb galay koobka adduunka oo loo qaybinayo $440 milyan

by Mohamed Jibril
0 comment

Doha (Horn Life) — Xulka dalka Argentine ee ku guulaystay koobka adduunka ayaa la siinayaa abaal marin lacageed oo gaareysa illaa $42 milyan oo dollar oo loo marinayo xiriirkooda kubadda cagta.

Sidoo kale xulka Faransiiska oo isagu galay kaalinta labaad ayaa isaguna helaya $30 milyan oo dollar, oo ay ka helayaan lacagaha abaalmarinta ah ee ay bixinayso FIFA sannadkan, kuwaas oo gaaraya $440 milyan oo dollar.

Sannadkii 2018, waxaa xulka Faransiiska ee ku guulaystay koobka adduunka la siiyey $38 milyan oo dollar oo laga siiyey sanduuqa abaal marinta lacagaha ee FIFA, iyada oo sannadkaas guud ahaan lacagaha abaal marinta ah ee la bixiyey ay gaarayeen illaa $400 milyan oo dollar.

Lacagahan dhammaantood loo qaybin maayo ciyaartoyda, hase ahaatee waxaa loo qoondeeyey in qayb aad u wanaagsan laga siiyo ciyaartoyda.

Xiriir kasta oo kubadda cagta ah oo ka soo qaybgalay koobka dunida ayaa helay ugu yaraan $9 milyan oo dollar oo ah inuu ka qaybgalay koobka dunida ee sannadkan, iyo $1.5 milyan oo dollar oo loogu talo galay inuu ugu diyaargaroobo koobka dunida.

Halka ay lacag dheeraada helayaan dalalka u gudba wareega 16-ka iyo 8-da.

Xulka Croatia oo galay kaalinta saddexaad ayaa isagu helay lacag gaaraysa $27 milyan oo dollar, halka xulka Marooko oo galay kaalinta afraad la siin doono $25 milyan oo dollar.

Dakhliga FIFA ee afartii sano ee la soo dhaafay ayaa wuxuu ahaa $7.5 bilyan dollar, kaas oo intiisa badan ay ka heshay dhinaca baahinta ciyaaraha, Sponsorships, iibinta tikidhada iyo adeegyada martigelinta.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved