Home » Ilhan Cumar oo kusoo wajahan Soomaaliya

Ilhan Cumar oo kusoo wajahan Soomaaliya

by Mohamed Jibril
0 comment

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada dalka Maraykanka ayaa la filayaa inay timaado Soomaaliya toddobaadkan, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Ilhaan Cumar, oo ah gabadhihii ugu horreysay ee Muslim ah iyo Soomaali ee loo doorto Congress-ka Mareykanka ayaa la filayaa inay Khamiista tagto magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Sida ay wararku sheegayaan, Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha dowladda Puntland ayaa soo dhoweyn doona Ilhaan.

Ilhaan Cumar oo laga soo doorto Gobolka Minnesota ee waddanka Maraykanka ayaa asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, gaar ahaanna deegaanada Puntland.

Ilhaan ayaa sannadkii 2018 noqotay qofkii ugu horreeyay ee Somali American ah oo loo doorto Aqalka Congress-ka Mareykanka.

Booqashadan ayaa noqon doonta tii ugu horreysay ee Ilhaan ay ku timaado Soomaaliya tan iyo markii xilkaas loo doortay.

Waxay toddobaadkii tegay ka qeyb-gashay soo dhoweyn madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud loogu sameeyey magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota oo ah halka laga soo doorto.

Khudbad ay halkaas ka jeedisay oo ay si weyn ugu ammaantay madaxweynaha oo ay ugu yeertay “adeer” ayaa qabsatay baraha bulshada.

Horn life

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved