Home » Rag hubeysan oo xalay lagu qabtay Muqdisho

Rag hubeysan oo xalay lagu qabtay Muqdisho

by Mohamed Jibril
0 comment

Muqdisho (Horn Life) — Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada Booliska Soomaaliyeed ka sameeyeen degmada Dharkenley ee gobolkaasi Banaadir, kaas oo lagu xaqiijinayey ammaanka degmadaasi.

Ciidamada ayaa gacanta kusoo dhigay rag burcad ah oo ku hubeysnaa Mindiyo iyo mootooyin ay wateen, inta uu socday howlgalkaas ka dhacay degmada Dharkenley.

Taliyaha Saldhig Galbeed oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgalkan, wuxuuna sheegay in raggaan soo qabteen, xilli ay dhac u geysanayeen shacabka.

“Hadda kuwa gacanta lagu haayo habeen 3-aad ayaan ku guuleysanay inaan soo qabano meel la yiraahdo iga dabagey ayaa intooda badan kasoo qabanay waxay ahaayeen nimanka saacad kasta tooreyda dadka la dhaca oo moobeelada ka dhaca,” ayuu yiri Taliye Jimcaale.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay usii gudbin doonaan hay’adaha ku shaqada arrintaan, gaar ahaan maxkamadaha, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

‘Saldhiggu waa qabte, maxkamadna waa la geeyaa, annaga waan soo gudneynaa,” ayuu mar kale hadalkiisa sii raaciyay.

Dhankiisa guddoomiyaha degmada Dharkenley Yuusuf Xundubey oo ka hadlay goobta lagu soo bandhigay raggan burcadda ah ayaa digniin adag u diray milkiilayaasha mootooyinka Bajaajta, wuxuuna faray inay iska hubiyaan dadka ay ka kireynayaan mootooyinkooda.

“Nimanka tuugada ah ee la haayo waxay isugu jiraan kuwa ka gacan siinaayey dhinaca mootooyinka iyo caddeymihii oo lagu haayo waad ujeediin. Shacabka mootooyinka leh waxaan uga digeynaa inay ka fiirsadaan dadka ay mootooyinka u dhiibanayaan,” ayuu yiri.

Dhinaca kale ciidamada dowladda ee howlgalka sameeyay ayaa sidoo kale gacanta ku soo dhigay nin looga shakisan yahay inuu ka dambeeyay dil xalay isla Dharkenley, kaas loogu geystay marxuum Axmed Faarax Kaariye oo ka shaqeynayey nootaayo ku taalla halkaasi.

Taliska Galbeed ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan nin tuhmane ah, isla-markaana ay haatan ku haayaan baaris ku aadan dhacdadaasi.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Sugidda ayaa sare u qaaday howlgallada lagu sugayo amniga ee ka socdo magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved