Home » Ciidamadii ugu horreeyay ee Eritrea qaar ka mid ah oo la keenay Muqdisho

Ciidamadii ugu horreeyay ee Eritrea qaar ka mid ah oo la keenay Muqdisho

by Mohamed Jibril
0 comment

Waxaa goordhow garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaarad sidda qaybtii ugu horreysay dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka muddada dheer ugu maqnaa dalka Eritrea.

Ciidamadan cusub oo tababar ku soo qaaday xeryaha waddanka Eritrea, ayaa muddo la sugayey, waxaa garoonka kusoo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo saraakiil.

Maalmo kahor ayaa Madaxweynaha wuxuu sheegay in bishaan December inta aysan dhamaan la soo bilaabayo, isla markaana la soo dhameystirayo inta lagu guda jiro bisha soo socota ee Janaayo.

“Bisha aan ku jirno inta aysan dhamaan waa soo bilaabanayaan, bisha ku xigta inta aysan dhamaan waa soo dhameystirmayaan, howshaas meel fiican ayey noo mareysaa, wax kastana waa noo hagaagsan yihiin,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in dib u dhac dambe uusan jiri doonin, “Insha allah dib u dhac dambe ma jiri doono.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii la doortay ugu yaraan laba jeer wuxuu safar ku tegay dalka Eritrea, si soo celinta ciidankaas uu ugala xaajoodo madaxda dalkaas.

Dhalinyaradaan oo tababar ugu maqan dalka Eritrea mudo ku dhow afar sano ayaa waxaa aad u yar macluumaadka laga heli karo, waxayna galeen tababar culus oo noocyo badan leh.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved