Home » Baarlamaanka Soomaaliya oo ansaxiyay miisaaniyadda sannadka 2023

Baarlamaanka Soomaaliya oo ansaxiyay miisaaniyadda sannadka 2023

by Mohamed Jibril
0 comment

Kulan ay maanta isugu yimaadeen labada Aqal ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Aqalka Sare ayaa lagu ansixiyay miisaaniyadda dowladda 2023 oo ay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay hor geysay.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa ayaa mudanayaasha laba Aqalka waxa ay dood ka yeesheen Miisaaniyadda Dowladda 2023, dood dheer iyo falaqeyn ka dib Xildhibaannada BFS ayaa meel mariyay, 172 mudane ayaa ogal ugu codeesay

26 December 2022-ka Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Dr Cilmi Maxamed Nuur oo hortgay kulanka labada Gole ayaa waxa ay weydiiyeen su’aalo ku saabsan Miisaaniyadda Dowladda 2023, taas oo ay ka soo shaqeeyeen Guddiga maaliyadda ee labada Aqal.

15 November 2022-ka Shirka Golaha Wasiirada XFS oo uu Shirguddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayee meel mariyeen Miisaaniyadda Dowladda ee 2023 oo ka kooban Dakhli gudaha ah iyo Deeq taas oo gaareysa $967.7 Milyan oo Dollar.

Miisaaniyadda 2023 ayaa xoogga lagu saarayaa sare u qaadidda dakhliga gudaha oo hadda la rajeynayo inuu ka sare maro sanadihii la soo dhaafay, iyadoo la rajeynayo inuu gaaro $283.3 Milyan oo Dollar halka sanadka dhamaadka ah uu ahaa $247 milyan oo Doolar.

Horn Life

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved