Home » Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Laascaanood

Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Laascaanood

by Mohamed Jibril
0 comment

Faah faahino dheeraad ah oo kasoo baxaya magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool maalintii afaraad oo xiriir ah ay xaalad kacsanaan ah ka jirto halkaas oo bannaannaxyo rabshado wata ay ka dhigayaan Shacabka deegaankaasi.

Ciidamada Somaliland ayaa mararka qaar rasaas ku ridaya Shacabka, kuwaas oo waxyeelo ay kasoo gaarto, waxaana saaka Magaalada laas-Caanood lagu arkayaa Shacab careysan oo meelaha qaar xirtay, kuwaas oo ku dhawaaqaya Somaliland dooni meyno, dhimasho ayaan diyaar u nahay nina Laascaanood ugaga carari mayno iyo erayo kale.

Dhinaca kale Somaliland ayaa ciidamo aad u farabadan soo dhoobtay waddooyinka qaar ee magaalada laas-Caanood, waxaana Maalintii afaraad xiran inta badan goobaha Ganacsiga magaalada.

Laascaanood ayaa 10-kii sanno ee lasoo dhaafay ay ka dhacayeen dilal qorsheysan kuwaas oo inta badan lagu beegsanayay haldoorrada magaaladaasi oo kasoo jeeda gobollada waqooyi.

Sidoo kale maalmihii lasoo dhaafay iyo maantaba waxaa ku geeriyooday dad badan oo tiradoodu kor u dhaafeyso 10 qof halka dhaawacana uu ka badan yahay.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved