Home » Aadan Madoobe oo kulan la qaatay ku xigeenka ergayga QM

Aadan Madoobe oo kulan la qaatay ku xigeenka ergayga QM

by Mohamed Jibril
0 comment

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Kaalmaynta Soomaaliya ee (UNSOM), Marwo Anita Kiki Gbeho.

Kulanka Guddoomiyaha iyo Anita Kiki ayaa diiradda waxaa lagu saaray dib u heshiisiinta deegaannada Koonfur Galbeed, iyada oo xustay in ay UNSOM taageereyso dadaalada uu garwadeenka ka  yahay Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa gunnaanadka kulanka ayuu Anita Kiki Gbeho oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Arrimaha Kaalmeynta Soomaaliya la wadaagay halka ay mareyso arrimaha dib u heshiisiinta  Koonfur Galbeed isaga oo la wadaagay in uu kulamo la qaatay siyaasiyiinta ka aragti duwan Maamulka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa 17 December 2022-ka ku dhawaaqay shirka dib u heshiisiinta deegaannada KGS kaas oo loo madalsanyahay 5 January 2022-ka balse waxaa qaadacay midowga musharaxiinta Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved